Caqabadaha horyaala xoghayaha cusub ee urur goboleedka IGAD

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, Workneh Gebeyehu, ayaa la wareegay xilka xoghayaha urur goboleedka Igad kadib todobaadka uu muran ka taagnaa.

Inkasta oo uu xafiiska la wareegay, Gebeyehu ayaa u baahan in uu ogolaanshiyo buuxda ka helo Shirka caadiga ah ee ururka kaasoo lagu waddo in uu dhowaan ka qabsoomo Kenya.

Maadaama jagadan ay meesha ka baxday, xifaaltanka ugu badan ayaa wuxuu haatan ka jiraa xilka gudoomiyaha IGAD. Xoghayaha fulinta waa jago farsamo oo golaha hoostagta.

Dowladaha kala ah; Kenya, Soomaaliya, Uganda iyo Jabuuti ayaa quudareynaya xilkaas, kuwaas oo diiday in ay isu tanaasulaan.

Qadiyadan ayaa kamid ah ajendeyaasha la doonayo in xalka waara loogu raadiyo kulanka soo aadan ee madaxda IGAD. Ururkan waxaa la aas-aasay 1986-dii.

Caqabadaha

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa soo bandhigay caqabadaha horyaala xoghaye Workneh Gebeyehu, kaasoo bedelay Maxbuub Macalin oo Kenyan ah.

Sidda laga soo xigtay jaraa'idka, caqabadaha ayaa waxaa kamid ah middeynta wadamada xubinta ah ururkan la aas-aasay 1996-dii.

Baratanka xilalka sarre ayaa kala qeybisay xubnaha, taas oo khatar ku ah jiritaanka iyo howlaha muhiimka ee Igad.

Illo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in mudadii koobneyd ee loolanku jiray waxaa hakad ku yimid shaqadda.

Caqabadaha kale ayaa waxaa kamid ah xubinimada dalka Eritrea iyo sarre u qaadida dakhliga guud ee ururkaas.

Dalkan oo aalaaba laga saaro mararka qaarna lagu soo daro ayaa markii u dambeysay la joojiyey xubinimadeeda 2017-kii. Sababta ma cadda waase "dano dowladeed".

Kenya iyo Itoobiya oo gacanta sarre lahaa sanadihii dambe ayaa haatan ah deeq-bixiyeyaasha ugu badan. Sidda laga soo xigtay joornaalka, waxay bixiyaan 1.7 milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM