Caqabadaha horyaala xoghayaha cusub ee urur goboleedka IGAD

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, Workneh Gebeyehu, ayaa la wareegay xilka xoghayaha urur goboleedka Igad kadib todobaadka uu muran ka taagnaa.

Inkasta oo uu xafiiska la wareegay, Gebeyehu ayaa u baahan in uu ogolaanshiyo buuxda ka helo Shirka caadiga ah ee ururka kaasoo lagu waddo in uu dhowaan ka qabsoomo Kenya.

Maadaama jagadan ay meesha ka baxday, xifaaltanka ugu badan ayaa wuxuu haatan ka jiraa xilka gudoomiyaha IGAD. Xoghayaha fulinta waa jago farsamo oo golaha hoostagta.

Dowladaha kala ah; Kenya, Soomaaliya, Uganda iyo Jabuuti ayaa quudareynaya xilkaas, kuwaas oo diiday in ay isu tanaasulaan.

Qadiyadan ayaa kamid ah ajendeyaasha la doonayo in xalka waara loogu raadiyo kulanka soo aadan ee madaxda IGAD. Ururkan waxaa la aas-aasay 1986-dii.

Caqabadaha

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa soo bandhigay caqabadaha horyaala xoghaye Workneh Gebeyehu, kaasoo bedelay Maxbuub Macalin oo Kenyan ah.

Sidda laga soo xigtay jaraa'idka, caqabadaha ayaa waxaa kamid ah middeynta wadamada xubinta ah ururkan la aas-aasay 1996-dii.

Baratanka xilalka sarre ayaa kala qeybisay xubnaha, taas oo khatar ku ah jiritaanka iyo howlaha muhiimka ee Igad.

Illo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in mudadii koobneyd ee loolanku jiray waxaa hakad ku yimid shaqadda.

Caqabadaha kale ayaa waxaa kamid ah xubinimada dalka Eritrea iyo sarre u qaadida dakhliga guud ee ururkaas.

Dalkan oo aalaaba laga saaro mararka qaarna lagu soo daro ayaa markii u dambeysay la joojiyey xubinimadeeda 2017-kii. Sababta ma cadda waase "dano dowladeed".

Kenya iyo Itoobiya oo gacanta sarre lahaa sanadihii dambe ayaa haatan ah deeq-bixiyeyaasha ugu badan. Sidda laga soo xigtay joornaalka, waxay bixiyaan 1.7 milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed: Helitaanka Badda waa Arrin "Jiritaan" u ah 130-ka Milyan ee ku nool Itoobiya

"Amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika waxay ku xiran yihiin in Itoobiya ay hesho marin badeed," ayuu yiri Abiy Ahmed.

  • Afrika

    14-02-2026

  • 11:41AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo gaaray Addis Ababa, Itoobiya

Booqashadan ayaa ku xigtay booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos.

  • Afrika

    11-02-2026

  • 01:53PM