CAR: Askar nabad ilaalin ah oo la dilay kahor doorashada

Image

BANGUI, CAR - Dabley oo aan la aqoonsan ayaa dilay saddex kamid ah askarta Burundi ee howlgalka nabad-ilaalinta u jooga waddanka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR), Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sidaas sheegtay, saacado kadib markii isbahaysiga mucaaradka ee dagaalka kula jira dowladda ay laaleen xabbad joojin dhinac ah waxayna ku celceliyeen baaqyada ku aaddan hakinta doorashada guud oo loo qorsheeyay inuu dhacdo maalinta Axada.

"Weerarka lagu qaaday ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay iyo ciidamada CAR ayaa ka dhacay Dekoa, bartamaha gobolka Kemo, iyo Bakouma, koonfurta gobolka Mbomou," ayaa lagu yiri bayaan kooban oo ay soo saartay UN-ka.

Qoraalka ayaa la raaciey: "Saddex askari oo nabad ilaalin ah oo ka socda Burundi ayaa la dilay, laba kalena waa la dhaawacay".

Weerarkan ayaa yimid markii codbixiyaasha CAR ay u diyaar garoobeen doorashooyinka madaxweynaha iyo sharci dejinta, oo loo arko inay tahay tijaabo muhiim u ah dalkan kasoo kabanaya xasilooni darro kadib tobanaan sano oo ah qalalaase siyaasadeed iyo iskahorimaad hubeysan.

Madaxweyne Faustin-Archange Touadera, oo mar kale musharax ah, ayaa ugu cadcad inuu ku guuleysto doorashada madaxtinimada oo ay ku tartamayaan 17 murashax.

Touadera ayaa ku celceliyey in dowladiisu ka go’an tahay in ay qabato doorasho heshiis lagu yahay balse mucaaradka wuxuu tuhunsan yahay in ku shubasho ay dhici karto mar walba.

Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka ayaa xukuntay Sabtidii in doorashada madaxweynaha ay u dhici doonto sidii loo qorsheeyay Axadda, ka dib markii dhowr kooxood oo mucaarad ah iyo sidoo kale isbahaysi dhowaan ay sameeyeen kooxo hubaysan - Isbahaysiga Patriots for Change (CPC) - ay ku baaqeen in dib loo dhigo doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM