Carro ka dhalatay howlgalada ka dhanka ah Muslimiinta dalka Eritrea

Image

Asmara, Eritrea – Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Eritrea ayaa shaacisay in dowladda dalkaas ay kordhisay howlgalada ka dhanka ah Muslimiinta.

Dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay waxaa lagu xiray 21 qof, iyaddoo xukuumadda Casmara aysan fahfaahin ka bixin sababta loo beegsanayo.

Elizabeth Chyrum, agaasimaha hay'adda, ayaa hoosta ka xariiqday in talaabooyinka "ay caddeyn u yihiin" in dadka lagu beegsanayo diintooda.

"Waxay u muuqaneysaa in sharci darro lagu haysto, maxaa yeelay ma jirto wax dacwad ah oo lagu soo oogay," ayay raacisay.

Hay'addo kale oo u dooda Xuquuqul Insaanka ayaa si adag u cambaareeyay dhacdooyinkaas, iyagoo ku baaqay in la joojiyo tacadiga.

"Dhamaan dadka lagu qabtay sharci daradda waxaan laga qadaan-qadiyey mehradahooda ganacsiga iyo goobo bulsho," ayay Chyrum ku dartay.

Hogaamiyeyaasha Muslimiinta ayaa dhankooda waxay ku tartarsiiyeen dowladda in ay jawaab cad ka bixiso sababta ay u beegsaneyso.

Ma jiro jawaab cad oo dowladda Eritrea ay ka bixisay warbixintii u dambeysay ee Hay'adda xuquuqda aadanaha ee dalkaas.

Maamulka madaxweyne Isias Afwerki ayaa inta badan wuxuu dafiraa falal ka dhanka ah Muslimiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sameeyay isbahaysi milatari oo la mid ah NATO

Isbahaysigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka jawaabayo caqabadaha amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dowladaha gobolka.

  • Afrika

    22-12-2025

  • 08:01AM

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM