Carro ka dhalatay howlgalada ka dhanka ah Muslimiinta dalka Eritrea

Image

Asmara, Eritrea – Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Eritrea ayaa shaacisay in dowladda dalkaas ay kordhisay howlgalada ka dhanka ah Muslimiinta.

Dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay waxaa lagu xiray 21 qof, iyaddoo xukuumadda Casmara aysan fahfaahin ka bixin sababta loo beegsanayo.

Elizabeth Chyrum, agaasimaha hay'adda, ayaa hoosta ka xariiqday in talaabooyinka "ay caddeyn u yihiin" in dadka lagu beegsanayo diintooda.

"Waxay u muuqaneysaa in sharci darro lagu haysto, maxaa yeelay ma jirto wax dacwad ah oo lagu soo oogay," ayay raacisay.

Hay'addo kale oo u dooda Xuquuqul Insaanka ayaa si adag u cambaareeyay dhacdooyinkaas, iyagoo ku baaqay in la joojiyo tacadiga.

"Dhamaan dadka lagu qabtay sharci daradda waxaan laga qadaan-qadiyey mehradahooda ganacsiga iyo goobo bulsho," ayay Chyrum ku dartay.

Hogaamiyeyaasha Muslimiinta ayaa dhankooda waxay ku tartarsiiyeen dowladda in ay jawaab cad ka bixiso sababta ay u beegsaneyso.

Ma jiro jawaab cad oo dowladda Eritrea ay ka bixisay warbixintii u dambeysay ee Hay'adda xuquuqda aadanaha ee dalkaas.

Maamulka madaxweyne Isias Afwerki ayaa inta badan wuxuu dafiraa falal ka dhanka ah Muslimiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM