"Cidda ka dambeysay" weerarka lala eegtay Xamduuk oo la shaaciyey

Image

KHARTUUM, Suudaan – Dowlada Suudaan ayaa durba warbixin rasmi ah waxay kasoo saartay weerarkii lagu qaadey kolanyo galbineysay Ra'iisul Wasaaraha waddankaas, Cabdalla Xamduuk, Isniinta maanta ah.

Xamduuk ayaa lala eegtay qarax burbur maaliyadeed sababay, falkaas oo lagu sifeeyay "isku day la doonayay in lagu khaarijiyo".

Warbaahinta maxaliga ah ayaa illo wareedyo aysan magacaabin kasoo xigtay in Xamduuk la beegsaday xili uu kusii jeeday xafiiskiisa si uu u guto waajibaadka shaqo ee qarankiisa uu u haayo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter—ka ayuu ku sheegay in falkaas uusan saameyn doonin isbedelka uu damacsan yahay in uu ku sameeyo guud ahaan siyaasada dalkaas.

Dhinaca kale, Falih Salih, wasiirka warfaafinta Suudaan, ayaa daboolka ka qaadey in qaraxaas ay ka dambeysay "koox argagixiso ah".

Inkastoo uusan carababaabin koox gaar ah, hadana wuxuu raaciyey "baaritaan ayaa lagu bilaabay, waana la shaacin doonaa natiijada".

"Argagixisada iyo nidaamkii hore waxaa loola tacaali doonaa sidda ugu adag," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa, isagoo kadib qaraxa la hadlay war-fidiyeenka.

Cabdalla Xamduuk, oo ah dhaqaale-yahan haysta waaya aragnimo in ka badan 30-sano ah, ayaa waxaa xilka ra'iisul wasaaraha loo magacaabay bishii August kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM