Ciidamada DR Congo ka hortagay isku-day afgembi milatari

Image
DR Congo waa wadan leh kheyraad aad u badan oo macdan ah iyo dad aad u tiro badan.

NAIROBI, Kenya - Ciidamada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sheegay in ay burburiyeen isku daygii afgambi ee ka dhanka ahaa madaxweyne Felix Tshisekedi ee caasimadda Kinshasa oo ay ku lug lahaayeen dagaalyahanno ajnabi ah oo u dhashay Congo.

Afhayeenka ciidamada DR Congo Brig Gen Sylavin Ekenge ayaa sheegay in 50 tuhmane oo ay ku jiraan saddex Maraykan ah iyo mid haysta dhalashada Ingiriiska la xiray.

Wuxuu horay uga sheegay TV-ga dowladda ee RTNC in "xaaladda hadda gacanta lagu hayo".

Hadalkiisa ayaa imaanaya saacado kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen guriga Vital Kamerhe, madaxii hore ee shaqaalaha, isla markaana saaxiib dhow la ah madaxweyne Tshisekedi subaxnimadii hore ee Axadda.

DR Congo waa wadan leh kheyraad aad u badan oo macdan ah iyo dad aad u tiro badan, hase yeeshee iyadoo taasi jirto haddana noloshu ma rayn dadka badidood, colaado, musuqmaasuq iyo maamul xumo ayaa weli taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM