Ciidamadda Kenya oo xorriyadooda u celiyey Soomaali ay "afduubteen"

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidanka difaaca Kenya ayaa xorriyadooda u soo celiyey saddex kamid ah sideed Soomaali ah oo ay ka afduubteen xuduudka labada waddan, sidda uu shalay ku dhawaaqay guddiga Jubaland u saartey dhacdadaas.

Guddigan oo uu horkacayo wasiiru dowlaha amniga maamul goboleedka Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa la fariistay saraakiisha Kenya iyagoo kala hadlay sidii ay u soo deyn lahaa Soomaalidaas la xiray markii la qarxiyey KDF-ta.

Sideedaas Soomaalida ah ayaa laga kaxeeyay magaaladda Ceelwaaq ee gobolka Gedo kuna dhow sohdnta wadamadda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidda laga soo xigtay guddiga, mid kamid ah sideedaas ruux ayaa ku dhintay ciidamadda Kenya, halka tirada kale ay wada-xaajoodyo ka leeyihiin.

Dhacdadaas lagu watay dhalinyaraadaas ayaa caro ka abuurtey gobolka Gedo, waxaana banaanbaxyo ay ka dhaceen Ceelwaaq, Garbahaarey iyo Doolow.

ibadbaxayaasha waxay dalbanayeen in lasoo daayo shaqsiyaadkaas.

Baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay falkaas ayaa dowladda federaalka ku booriyey in ay farageliso, hase ahaatee, ma qaadin wax talaabo muuqata.

Nairobi iyo Muqdisho ayaa gorada iskula jira marka ay timaado arrimo badan oo ay kamid tahay siyaasada arrimaha dibadda, gudaha, doorashooyinka soo aadan iyo kiiska badda oo ah qadiyada ugu weyn oo ay isku hayaan dhinacyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shaqaale ka xirnaa diyaaradda Kenya Airways oo dib u helay xorriyadooda

Labadan shaqaale oo ka shaqaynayay xafiiska shirkadda diyaaradaha ee Kinshasa, ayaa la xidhay 19-kii Abriil.

  • Afrika

    07-05-2024

  • 03:38AM

Shir ka dhacay Afrika oo ku baaqay cunaqabatayn ka dhan ah Israa'iil

Kulankan ayaa waxaa yeeshay dalalka xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano OIC.

  • Afrika

    06-05-2024

  • 04:23AM