Ciidamo careysan oo xorriyada ka qaadey madaxda sarre ee Mali

Image

BAMAKO, Mali - Cutubyo kamid ah ciidamadda Mali oo gadood-sameeyay ayaa "xorriyadda ka qaadey" madaxweyaha dalkaas ee Ibrahim Boubakar Keïta iyo ra'iisul wasaarihiisa Soumeylou Boubèye Maïga.

Xilli saraakiisha reer Galbeedku ku qeexeen talaabadan "afgembi," qulqulatooyinkan waxay kasoo bilowdeen xero ciidan oo magaala madaxda u jirta 15 KM, halkaasoo ay rasaas teel-teel ah ka ridayeen.

Askarta hareereeyay hoyga madaxda iyo mas'uuliyiin kale oo aad ugu dhowaa ayaa horey u codsaday in ay xafiiska baneeyaan si loosoo afjaro qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay doorashada.

Keïta oo 2018-kii ku guuleystay xilka markii labaad isla markaana ay saddex sano uga harsan tahay in uu mar saddexaad tartamo ayaa wajahaya cadaadis ah in uu xafiiska badaneeyo.

Mucaaradka oo dhowr jeer diiday wadaxaajood lagu dhisayo dowlad midnimo Qaran ah ayaa cuskaday in xukuumadda talada haysa ay fashilantay isla markaana uu jilbaha dhulka u dhigay musuq.

Ururka Midowga Afrika oo walaac ka muujiyey xaalada hubanti la'aanta ah ee kasoo cusboonaatey Mali ayaa sheegay in uu si xoogan u cambaareynayo xariga madaxweynaha iyo mas'uuliyiinta kale.

ECOWAS, oo ah ururka ay ku mideysan yihiin wadamada ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika, ayaa ugu baaqay ciidamada in ay ka fogaadaan wax kasta oo xukunka gacanta u dhigaya milatariga.

Dowladda Faransiiska oo sheegtay in ay si kulul u cambaareyneyso dhacdooyinkan ayaa ku boorisay ciidamadda in ay ku laabteen xerooyinkooda isla markaana u ogolaadaan madaxda in ay xor noqdaan.

Inta illaa haatan la og-yahay, gadoodka ciidamadda waxaa hogaaminaya Malick Diaw, taliye ku xigeenka saldhiga Kati iyo Sadio Camara oo ah Jeneraal kale oo ciidanka kamid ah, kuwaasoo si furan u hadlay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo ku baaqday in Maamulka Badda Cas Lagu Koobo Dalalka Xeebaha Leh oo Kaliya

Isagoo ka hadlayay arrimaha biyaha, Abdelatty wuxuu ku tilmaamay biyaha xuquuq aasaasi ah oo bani’aadamka leeyahay.

  • Afrika

    16-02-2026

  • 12:27PM

Abiy Ahmed: Helitaanka Badda waa Arrin "Jiritaan" u ah 130-ka Milyan ee ku nool Itoobiya

"Amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika waxay ku xiran yihiin in Itoobiya ay hesho marin badeed," ayuu yiri Abiy Ahmed.

  • Afrika

    14-02-2026

  • 11:41AM