Ciidanka Kenya oo in ka badan 30 fal argagixiso fashiliyay 2023-kii

Image
Weerarada la fashiliyay ayaa waxaa soo ka dambeeyay dagaalameyaal ka kala tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin ay soo saartey hay’ada la dagaalanka argagixisada Kenya oo uu arkay wargeyska The Star ayaa muujinaya in boolisku dalkaas ay fashiliyeen ilaa 30 fal argagixiso 2023-kii.

"Fashilinta weerarada suurtagalka ahaa ayaa lagu sameeyay hawlgalo sirdoon oo horudhac u ahaa hawlgalada ka dhanka ah argagixisada," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta.

Sidda laga soo xigtay warbixinta oo la faafiyay Isniintii shalay, weerarada la fashiliyay ayaa waxaa soo ka dambeeyay dagaalameyaal ka kala tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhaqdhaqaaqyada Daacish ee gudaha Kenya waxaa fuliyay IS-Somalia, Allied Democratic Forces (ADF) oo loo yaqaan Islamic State Central Africa Province (ISCAP) oo ka howlgala Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo. (DRC) iyo Dawladda Islaamka ee Mozambique (IS–Mozambique).

Warbixintu waxay sheegtay in weerarradaas ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo ka dhan ah muwaadiniinta Kenya, kaabayaasha muhiimka ah ee qaranka, dhisidda amniga iyo danaha shisheeye.

"Illaa 59 eedeysane ayaa lagu soo qabtay howlgallada kala duwan, waxaana la soo taagay Maxkamad, waxaana loo heystaa eedeymo kala duwan oo la xiriira Argagixiso," ayay raacisay warbixinta.

Qaar ka mid ah qalabka la burburiyay liiska ku jira waxaa ka mid ah qaraxa IED oo lagu aasay hareeraha wadada Kiunga-Ishakani Janaayo 2, 2023. Ciidamada ammaanka ayaa gaaf wareegayay aagga Ishakani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM