Ciidanka Kenya oo "iska caabiyey" weerar lagu qaadey

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamada amniga Kenya ayaa iska-caabiyey weerar ay dabley Al-Shabaab ah kusoo qaadey askar galbineysay bas meel ku dhow ismaamulka xadka dhaca ee Mandera, sidda uu sheegay taliska bileyska.

Mitidiinta ayaa Isniintii isku dayay in ay beegsadaan gaariga oo kusii jeeday Nairobi kana tegay Mandera balse waxaa ka hortagay booliska.

"Baska wuxuu ku wajahnaa Takaba. Isaga oo 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan boosteejada wuxuu arkay laba gaari oo 500 mitiri u jirta wuxuuna hoos u dhigay xawaaraha baabuurka. Kalkii dambe waxaa rasaas lagu soo furay dhanka darawalka gaariga," ayaa lagu yiri qoraalka taliska booliska.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka taliska, iska-hor-imaad xoogan ayaa dhexmaray ciidamadda galbinayey baabuurka iyo maleyshiyada taas oo ku qasabtay dagaalameyaasha Al-Shabaab ay ka cararaan goobta.

Booliska ayaa sheegay in 25 rakaab ay saarnaayeen buurka isla markaana uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaas la aaminsan in dableyda soo qaadey ay kasoo talaabeen xuduudka waddanka Soomaaliya.

"Dhamaan ciidamadda amniga waa nabad-qabaan," ayaa la raaciyey qoraalka booliska, oo lagu xusay in askar ay goobayaan dagaalameyaasha.

Gobolka dhaca waqooyi-bari Kenya ayaa weeraro gaadmo ah, kuwa bam-gacmeedyo iyo duulaan toos ah wuxuu kala kulmayaan ururka Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidanka Nairobi soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM