Codsi ay Soomaaliya ugu biiri lahayd urur oo dib loo dhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa inay sugtaa waqti dheer in ay miiska wadahadaladda la wadaagti waddamada kale ee xubinta ka ah Ururka Bulshadda Bariga Afrika.

Intii lagu gudajiray shirkii 21-aad ee caadiga ahaa ee Madaxda Wadamada Bulshadda Bariga Afrika oo fogaan arag ku qabsoomay Sabtidii, ururku wuxuu sheegay in codsiga Soomaaliya ee ku biirista ururka aan wali la aqbalin. Ma jiro fahfaahin dheeraad oo laga bixiyey sababta.

"Shir madaxeedka ayaa lagu xusay in howsha xaqiijinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qeyb ka noqoto Bulshada Bariga Afrika aan la qaadin, waxaana lagu faray Golaha in ay dabagal ku sameeyaan howshaas," ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kulanka ururka EAC.

Iyadda oo dalabka ogolaanshiyaha Soomaaliya dib loo dhigay, wuxuu ururka aqbalay in Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay xubin ka noqoto ururka taasoo lagu meelmarin doono shirka 22aad.

Dhanka kale, intii uu socday Shir-Madaxeedka, waxaa madaxweynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Bulshadda Bariga Afrika.

Uhuru wuxuu xilka kala wareegay dhigiisa Ruwanda ee xilka kasii degaya Paul Kagame oo la wareegay hogaanka ururkaas bishii Febraayo 2019.

Isla waqtigaas, Intii shirku socday, Dr. Peter Mutuku Mathuki oo u dhashay Kenya ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee cusub ee ururka wuxuu xafiiska joogayaa muddo 5 sano ah oo aan cusbooneysiin karin.

Mutuku ayaa xilka kala wareegaya Danjire Liberat Mfumukeko oo la magacaabay laga bilaabo Abriil 2016 isla markaana mudada loo cusbooneysiinin sababo ku aadan in uu sidaas ay xeerinayaan shuruucda ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tanzania: Fatahaadyo galaaftay 58 qof labo toddobaad gudahiisa

Afar bilood ka hor, ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay waqooyiga Tansaaniya.

  • Afrika

    15-04-2024

  • 10:29AM

Ruushka oo ciidamo u diray dal xiriirka u jaray Reer Galbeedka

Warbaahinta dowladda Niger ayaa sheegtay in ay la yimaadeen hab casri ah oo difaaca hawada ah.

  • Afrika

    14-04-2024

  • 05:29AM