Colaada Suudaan oo galaafatay nolosha ku dhowaad 12,000 qof

Image
Ugu yaraan 250,000 ilaa 300,000 oo qof ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay ku qaxeen dagaaladan.

KHARTUUM, Suudaan - Ugu yaraan 250,000 ilaa 300,000 oo qof ayaa ka qaxay gobolka Al Jaziira ee dalka Suudaan tan iyo 15-kii Diseembar, sababo la xiriira isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Taageerada degdega ah ee RSF iyo ciidamada Suudaan, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Dhawaaqa IOM ayaa wuxuu yimid kadib markii goobjoogayaal ay sheegeen in RSF ay gudaha u gashay Wad Madani, magaalada labaad ee ugu weyn dalka Sudan, taasoo ay ka buuxaan dad barakacayaal ah kuna taallo xarun gargaar oo shaqeynaysa in ka badan sideed bilood uu dagaal socday.

Muuqaalo ay soo bandhigeen ciidamadda RSF-ta ayaa muujinaya dagaalyahano wata gawaari kuwa xamuulka qaada ah oo ku dhex socda wadooyinka Wad Madani iyo buundada ka gudubta wabiga Blue Nile oo ay ciidamada kula dagaalamayeen. Goob joogayaal ayaa sheegay in sidoo kale ay weerareen tuulooyinka ku dhow dhow.

Madaxa Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay si deg deg ah u joojiyaan colaada, ayna ka qeyb qaataan wada xaajoodyada ku aadan dhisitaanka iyo joogtaynta nabadda Suudaan.

In ka badan 12,000 oo qof ayaa, sidda ay sheegeen ilaha dhanka caafimaadka iyo Qaramada Midoobay, waxaa lagu dilay in ka badan 33,000 oo kalena waa lagu dhaawacay dagaalka.

Ku dhawaad ​​25 milyan oo qof, kala bar dadka dalkaas, ayaa u baahan gargaar bini'aadantinimo. Ku dhawaad ​​7 milyan oo qof oo ku nool dalka Suudaan ayaa ku barakacay gudaha dalkaas ama waxay u qaxeen wadamadda dariska la ah sidda Itoobiya iyo Kenya si ay uga helaan ammaan iyo wax ay cunaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM