Coronavirus: Kenya oo soo rogtay xayiraadyo horleh

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay xayiraadyo cusub oo lagu soo rogayo ama looga baxayo magaalada caasimada ah ee Nairobi, iyo afar degmo oo kale si looga hortago kororka dhawaanahan laga dareemayo kiisaska Coronavirus.

Duulimaadyadda caalamiga ah way sii socon doonaa iyadoo la raacayo tilmaamaha jira, oo ay kamid yihiin shuruudaha ah in dadka imaanaya Kenya ay haystaan shahaadada tijaabada ah ee 'Covid-19', Kenyatta ayaa sidaa ku yiri tabin si toos ah loo baahiyey maanta.

Waddanka ku yaala Bariga Afrika wuxuu wajahayaa sare u kac waali ah oo la xiriirta fayruska oo ah 19% halka uu ka ahaa 2.6% bilowgii sanadka. Kiisaska la xaqiijiyay ayaa gaaraya 126,170 iyo 2,092 oo dhimasho ah illaa 25-ka Maarso, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

"Kenya waxay si cad ula tacaaleysaa mowjaddii saddexaad ee masiibadan," ayuu yiri Kenyatta. “Heerka dhimashada waa mid waxyeello u leh dhammaan tallaabooyinka; iyo culeyska aafada uu ku hayo nidaamkayaga caafimaad waa mid aan la qiyaasi karin".

Bandowga xilliga habeenkii ah ee shanta maamul magaalo ee cudurka si dan u saameeyay - Nairobi, Machakos, Kiambu, Kajiado iyo Nakuru - ayaa bilaabayana 8-da fiidnimo ilaa 4 subaxnimo. Amarka in qof walba gurigiisa ku negaado ayaa guud ahaan dalka Kenya ka bilaabanaya 10 habeenimo.

Kenyatta ayaa sidoo kale iclaamiyey in la joojiyay dhamaan kulamadii shaqsiga ahaa ee golaha wasiirada, marka laga reebo Golaha Amniga Qaranka. Fadhiyada baarlamaanka iyo goleyaasha gobollada ee gobollada ay dhibaatadu saameysey ayaa sidoo kale si kumeel gaar ah loo mamnuucay.

Sidda uu saadaaliyey madaxweynaha Kenya, mawjadda saddexaad waxay u badan tahay in qiyaastii 3,000 oo xaaladood cusub lana xiriira Covid-19 ay maalin kasta ku horseedi doonan muddo 30 maalmood gudahood. Tani waa saadaal cabsi gelin doonta dadweynaha kana turjumeysa khatarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM