Cumar Xasan Al Bashiir oo lagu wareejinayo Maxkamada ICC

Image

KHARTUUM, Suudaan – Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al Bashiir ayaa lagu wareejinayaa Maxkamadda Dambiyadda Caalamiga ah si uu u wajaho dacwado la xiriira dambiyo dagaal, sidda ay ku dhawaaqdey dowladda.

Bashiir, oo xilka laga tuuray April, 2019 kadib bilooyin banaanbaxyo heer qaran ah wuxuu wajahayaa shan dacwadood oo ku saabsan dambiyo bini'aadanimo iyo laba kiis oo ka yaala ICC oo ah dambiyo dagaal.

Dambiyadda la sheegay in uu geystay ayaa dhacay intii ay socdeen ololihii milatariga Suudaan ee Darfur mudadii u dhaxeysay 2003-dii illaa iyo 2008-dii.

Xubin ka tirsan guddiga madaxa banaan ee maamulaya Suudaan ayaa Talaadada maanta ah shaaciyey in ay gacan gelin doonan dhamaan shaqsiyaadka ay baadigoobeyso ICC ee u dhashay Suudaan.

Warbaahinta caalamka ayaa ku warantay in Bashiir uu kamid yahay xubnaha la qorsheynayo in si rasmi ah loogu wareejiyo Maxkamadda ICC.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Suudaan iyo maleeyshiyaadka gacanta ku haya gobolka Darfur, sidda ay saxaafadda kasoo xigatay illo wareedyo.

Illaa iyo haatan lama shaacin waqtiga madaxweyne hore, Cumar Xasan Al Bashiir, sidda rasmiga ah loogu wareejin doono ICC.

"Bilowga cadaalada"

Fadi Al Cabdullaahi, afhayeenka ICC ayaa yiri: "Waxaan u nahay xog ogaal ah kadib markii ay soo baxeen wararka la xiriira Mr al-Bashiir. Annaga ma hayno xaqiijin rasmi ah oo dhankeena ku saabsan waqti xaadirkaan".

Maxamed al-Ta'ashy, xubin ka tirsan guddiga madaxa banaan ee haya talada Suudaan, ayaa shir jaraa'id ka sheegay "ma heli karno cadaalad illaa iyo aan cadaalad ku daaweyno dhaawacyadda jira".

Bishii Maaj, 2009 ayay ahayd markii ICC ay soo saartay waaran caalami ah oo lagu soo xirayo Al Bashiir. Mar kale, waxay soo gudbisay bishii July, 2010-kii. Haatan, waxay u aqoonsatay "mid balaaran".

Bahsiir, oo talada Suudaan hayey 30-sano, ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee isagoo xukunka haya ay doon-doontay ICC.

Sidoo kale, wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay oo ay ICC kusoo dacweysay xasuuq, sidda lagu daabacay mareega xeer-beegtada caalamiga ah.

Bishii December ee sanadkii hore 2019, Al Bashiir ayaa laba sano oo xarig ah loogu xukumay musuqmaasuq iyo in uu lacago laaluush qaatay.

Suudaan ayaa mar sii horeysay ku adkeysatay in aysan dhiibi doonin Al-Bashiir. Hase ahaatee, ma cadda waxa haatan isbedel. Dalkan waxaa haatan ka dhisantay dowlad rayid oo uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Cabdala Xamduuk.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM