Cyprian Kubai: Kenya oo safiir cusub usoo magacaabatay Soomaaliya

Image
Cyprian Kubai Iringo ayaa horey u ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar, ayaa nuqullo kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka gudoomay Safiirka cusub ee Kenya, Cyprian Kubai Iringo.

Danjire Cyprian Iringo oo horey u ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo ganacsiga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM