Dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab oo afduubtay saddex qof

Image

NAIROBI, Kenya – Maleeyshiyaadka lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab ayaa ismaamulka Gaarisa ee waqooyi barri Kenya waxay Arbacadii ka qafaasheen saddex qof oo faryaama ahaa, sidda uu sheegay taliska booliska.

Shaqsiyaadkan kusii jeeday tuulada Lafey ayaan u dhalan degaanka, waxaana laga watay meel 30 KM u jirta goobtii ay ku wajahnaayeen. Sidda ay warbixinada xusayaan, waxaa gaarigooda u gacan-haatiyey dabley.

Wargeyska The Standard ayaa wariyey in ay jirto cabsi ah in falkaan uu la xiriiro is-qabqabsi beeleed muddooyinkii dambe halkaas ka jirtay.

Sidda ku cad fahfaahinta, saddexdaan qof oo nolol maalmeedkooda ka dhacsada dhismaha guryaha ayaa u socday shaqo looga sheegay Lafey.

Rono Bunei, taliyaha booliska gobolka oo Khamiista maanta ah u waramay war-fidiyeenka, ayaa daaha ka rogay in ay bilaabeen baaritaan.

"Waxaa shaki nagu abuuray qaabka ay ku ogaadeen in saddexda ruux ay saaran yihiin baska isla waqtigaasna ay gooni ula baxeen si ay su'aallo u waydiiyaan," ayuu ku daray, isagoo ka fogaadey fahfaahin dheeraad ah.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab kuna saabsan dhacdadaan lasoo wariyey fiidnimadii Arbacada shalay ahayd.

Beegsiga dadka aan degaanka u dhalan, ciidamadda iyo shaqaalaha dowladda Kenya ayaa aad ugu badan agagaarka degaanka Lafey iyo guud ahaan gobolka Mandera, halkaasoo Al-Shabaab afduub iyo weeraro ka fulisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM