Dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab oo "dishay" arday

Image

NAIROBI, Kenya - Weerar looga shakisan yahay in maleyshiyada hubeysan ee Al Shabaab ay ka geysatay gobolka Wajeer ee Kenya ayaa sababay dhimashada arday dhigata fasalka 7-aad ee dugsiga hoose ee Khorof Harar.

Sida laga soo xigtay K24, xubno ka tirsan kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa aroortii maanta weeraray guriga sarkaal ka tirsan amniga oo magaciisa lagu sheegay Nuur Jibriil kuna yaal ismaamulka Bariga Wajeer.

Jibriil oo degay saldhiga booliska kadib falkaas kana warbixiyay weerarka ayaa shaaca ka qaaday in kooxda weerarka soo qaaday ay gurigiisa ku tagen tiro aan la garaneyn iyagoo raadinaya halka uu ku sugan yahay. "Markii ay ku guul darreysteen inay i helaan, waxay bilaabeen toogasho dadka ku dhintay uu ku jiro wiilkeyga," ayuu hadalkiisa ku daray Nuur Jibriil.

"Anaga iyo saraakiisha kale ee NPR, waxaan ilaalo ka haynay Isbitaalka (Khorof Harar Hospital) markii kooxda Alshabaab looga shakisan yahay ay soo weerareen gurigeyga. Waxaan maqalnay dhawaqa rasaasta waxaana durba u dhaqaaqnay goobta. Nasiib darrose, markii aan halkaa gaarnay waa goor ay wiilkayga toogteen waana la waayey," ayuu ka dhawaajiyey Jibriil.

Aaska loo sameeyay wiilka ayaa loo dhigay gelinka dambe maanta iyadoo saraakiisha amniga ay sheegeen inay ku daba jiraan kooxihii weerarka soo qaaday. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab.

Dhacdo ka duwan tan oo sidoo kale galaaftay nolosha todoba arday, maalintii Jimcaha ee todobaadkii hore, shan sarkaal oo boolis ah ayaa lagu dhaawacay weerar ay dabley ka tirsan Al-Shabaab ku ekeeyeen Mandheera.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Miriam Muli oo ku hadlaysay magaca ku xigeenka taliyaha guud ee booliska, saraakiisha dhaawacantay waxay ku jireen roondo caadi ah si gaar ah xuduudka Mandheera iyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM