Dabley looga shakiyey AS oo dishay darawal u shaqeynayay dowladda Kenya

Image
Darawalka ayaa magaciisa lagu sheegay Affey Saman isaga oo waday labo qof rakaab ah.

NAIROBI, Kenya - Mid ka mid ah darawallada dowladda Kenya ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii lagu dilay degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Waxaa dilkiisa geystay rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kadibna ay kaxeysteen gaari uu watay oo u baxsaday dhanka xadka Soomaaliya.

Weerarka ayaa dhacay abaare 3:00 galabnimo deegaanka Kamoor oo u dhow Mandheera. Darawalka oo magaciisa lagu sheegay Affey Saman, ayaa labo qof oo rakaab ah ku waday gaari Land Cruiser ah oo ay dowladdu leedahay oo loo xilsaaray guddoomiye ku xigeenka degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Markii kooxda dilka geysatay ay rasaas fureen, haweeney rakaab ah ayaa waxaa u suurtagashay in ay ka cararto gaariga oo ka booday gaariga oo socday.

Dableyda dilka geysatay ayaa meydka Saman uga tagay goobta, waxayna ka qaadeen gaariga, iyagoo ku sii jeeday dhanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Mandheera Henry Ochako ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu sheegay in ciidamada amaanka ay bilaabeen howlgalo lagu soo furtay gaarigii la dhacay islamarkaana gacanta lagu soo dhigay kooxihii weerarka soo qaaday.

"Xaaladda ammaanka Mandheera weli waa mid aan la saadaalin karin," ayuu yiri Ochako, isagoo shaqaalaha dowladda ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan, gaar ahaan marka ay isticmaalayaan gaadiidka rasmiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM