Dabley mar kale ugu yaraan 87 qof ku qafaashay waqooyiga Nigeria

Image
Falkan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay tuulo dhacdadan oo kale looga soo wariyay todobaad kahor.

NAIROBI, Kenya - Dabley hubeysan oo ku sugan dalka Nigeria ayaa ugu yaraan 87 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ka afduubtay gobolka Kaduna, sidda ay sheegeen dadka deegaanka iyo booliiska.

Falkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay weerar cusub oo dhacay kadib markii koox hubaysan ay qabsadeen 286 arday iyo shaqaale dugsi horaantii bishii Maarso.

Afduubyada ay geystaan ​​kooxo dambiilayaal ah oo dalbanaya lacago madaxfurasho ah ayaa noqday wax ku dhawaad ​​maalin kasta ka dhaca dalka Nigeria, gaar ahaan waqooyiga, iyadoo mas’uuliyiintu ay u muuqdaan kuwo aan awood u lahayn inay joojiyaan.

Af hayeenka booliska Kaduna Mansur Hassan ayaa xaqiijiyay dhacdadan oo ka dhacday tuulada Kajuru Station habeenimadii Axada balse ma uusan sheegi karin tirada dadka la la’yahay.

Tuuladan ay ka dhacdey afduubkii ugu dambeeyay ayaa qiyaastii 10 km (6 mayl) u jirta bulshada Buda, halkaasoo dabley hubaysan ay 12-kii March ka qabteen 61 qof.

Afduubyo ka dhacay iskuullo ku yaalla dalka Nigeria ayaa waxaa markii ugu horreysay ka dambeeyay kooxda xagjirka ah ee Boko Haram, kuwaasoo toban sano ka hor ka qabsaday in ka badan 200 oo arday.

Qafaalashadii ugu horeysay ayaa lagu beegsadey arday wax ka baranayay dugsi hablaha oo ku yaalla magaalada Chibok ee gobolka Borno, waxaana markaas kadib ay noqotay tusbax afka ka furtey oo la isku haysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM