Dad aad u badan oo ku dhintay Itoobiya iyo kuwa la baadi-goobayo

Image

Dhul Go' ka dhashay roob xooggan oo ka da’ay deegaan fog oo ka tirsan koonfurta Itoobiya ayaa dilay ugu yaraan 230 qof. Saraakiisha ayaa sheegay in dadka intooda badan ay dhinteen xilli ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan dadkii dhoobo ku soo rogmatay.

Ra'iisul wasaaraha dalka ayaa ku tilmaamay "khasaare aad u xun." Ilaa hadda si rasmi ah looma oga inta qof ee ilaa hadda aan meelna laga hayn.

Mar sii horreysay, Waaxda Arrimaha Isgaarsiinta ee aagga Gofa, oo soo xiganeysa sarkaal maxalli ah, Habtamu Fetena, ayaa sheegtay in 146 qof ay naftooda ku waayeen musiibada.

Habtamu ayaa sheegay in la helay meydadka 96 rag ah iyo 50 dumar ah, isagoo intaa ku daray in baaritaanku uu si xooggan u socdo, wuxuuna ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

Sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ee maamulka Gofa ayaa muujinayay dadka deegaanka oo sitay meydadka dadka dhintay oo saran bareelo ka sameysan cooshado, qaarkoodna ay ku duuban yihiin baco.

Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa aad ugu nugul masiibooyinka cimilada oo ay ka mid yihiin fatahaado iyo abaaro.

Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in "qalbigeena iyo ducadeena" ay la garab taagan yihiin qoysaska dhibanayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM