Dad ku dhintay diyaarad ku dul-dhacdey guri ay shacab degan yihiin

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ABUJA, Nigeria – Laba qof ayaa ku nafweysay shil diyaaradeed oo Jimcaddii ka dhacay magaaladda ganacsiga Nigeria ee Lagos. Burburka wuxuu ka dhashay diyaarad helicopter ah oo ku dul-dhacdey guri ay shacab degan yihiin.

Kooxaha gurmadka deg-deg ah ayaa tilmaamay in qofka ka badbaadey dhacdadaas lagu daaweynayo isbitaal ku dhow meesha ay wax ka dhaceen. Kaliya saddex qof oo laba kamid ah la xaqiijiyey geeridooda ayaa saarnaa.

Booliska oo ka gaabsaday in uu carabaabo waxyaabaha sababay shilkaas ayaa tibaaxay in diyaarad ku dhacdey baakin ku dhex-yaalay hoyga.

Taliyaha booliska ismaamulkaas, Hakeem Odumosu, ayaa warbaahinta u sheegay in ay baaritaan ku wadaan waxyaabaha dhaliyey burburka diyaarada.

Shilkaan ayaa dhacay maalin kadib markii Hay'adda Socdaalka Nigeria ay soo saartey habraac cusub oo la xiriira duulimaadyadda diyaaradaha.

War-saxaafadeed ay sii-deysay ayay daaha kaga rogtay in ay jirto cimilo xumi isla markaana loo baahan yahay in duuliyeyaasha aad u taxadaraan.

Nigeria ayaanan shil diyaaradeed oo ay ku lug-yeeshaan diyaaradaha waaweyn uusan ka dhicin tan iyo sanadkii 2013, balse waxaa jiray shilal ay galaan diyaaradaha qumaatiga u kaca kana dhasheen waxyeelo geeri iyo dhaawacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM