Dad ku dhintay diyaarad ku dul-dhacdey guri ay shacab degan yihiin

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ABUJA, Nigeria – Laba qof ayaa ku nafweysay shil diyaaradeed oo Jimcaddii ka dhacay magaaladda ganacsiga Nigeria ee Lagos. Burburka wuxuu ka dhashay diyaarad helicopter ah oo ku dul-dhacdey guri ay shacab degan yihiin.

Kooxaha gurmadka deg-deg ah ayaa tilmaamay in qofka ka badbaadey dhacdadaas lagu daaweynayo isbitaal ku dhow meesha ay wax ka dhaceen. Kaliya saddex qof oo laba kamid ah la xaqiijiyey geeridooda ayaa saarnaa.

Booliska oo ka gaabsaday in uu carabaabo waxyaabaha sababay shilkaas ayaa tibaaxay in diyaarad ku dhacdey baakin ku dhex-yaalay hoyga.

Taliyaha booliska ismaamulkaas, Hakeem Odumosu, ayaa warbaahinta u sheegay in ay baaritaan ku wadaan waxyaabaha dhaliyey burburka diyaarada.

Shilkaan ayaa dhacay maalin kadib markii Hay'adda Socdaalka Nigeria ay soo saartey habraac cusub oo la xiriira duulimaadyadda diyaaradaha.

War-saxaafadeed ay sii-deysay ayay daaha kaga rogtay in ay jirto cimilo xumi isla markaana loo baahan yahay in duuliyeyaasha aad u taxadaraan.

Nigeria ayaanan shil diyaaradeed oo ay ku lug-yeeshaan diyaaradaha waaweyn uusan ka dhicin tan iyo sanadkii 2013, balse waxaa jiray shilal ay galaan diyaaradaha qumaatiga u kaca kana dhasheen waxyeelo geeri iyo dhaawacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM