Dagaalame Al-Shabaab oo dilay in ka badan boqol askari oo isa soo dhiibay

Image

NAIROBI, Kenya – Dagaalame qeyb ka ahaa weerarkii Kenya looga dilay 147 askari ee ka dhacay degaanka Ceel-Cade ee gobolka Gedo ayaa maanta isu dhiibay saldhiga booliska Mandera, sidda ay warisay saxaafadda.

Khaliif Cabdinuur Maxamed ayaa ku jiray dabley gaareysay 300, kuwaasoo kadiyey xerada 15-kii Janaayo, 2016. Weerarkaas wuxuu noqdey mid kamid ah kuwii ugu dhimashada badnaa howlgalka nabad-ilaalinta.

Saraakiisha amniga Mandera ayaa tilmaamay in Khaliif uu watay qori AK47 ah iyo booshash ay ku jiraan 92 xabood ama rasaas nool-nool.

Sida ay ku warantay warbaahinta, Khilaaf oo fariisinka Al-Shabaab kasoo goostay 30-kii August, waxaana caawiyey ciidanka oo uu lasoo xiriiriyey, balse socdaalkiisa uu ku yimid saldhiga booliska waa mid isaga uu qorsheystay.

Bileyska ayaa daaha ka rogay in ay dabagal ku sameyn doonan Khaliif, kana wareysan doonan waxyaabaha ku dhaliyey in uu isa soo dhiibo kahor inta aysan u sii gudbin Taliska Ciidamadda La-dagaalanka argagixisada.

Macluumaadyadda horudhac ah ayaa muujinaya in Khaliif uu ku dhashay degaanka Bura oo ku yaala xuduudka Soomaaliya-Kenya. Dhowr weerar oo lagu ekeeyay booliska iyo milatariga ayuu kaalin ka cayaaray.

Dagaalkii Ceel-Cade ayaa cashar u noqdey Kenya marka loo eego ololaheeda ka dhanka ah argagixisadda, waxaana ay gudaha Soomaaliya ka fulisay weerar aar-goosi ah kuwaasoo ay ku qabatay tirro saldhigyo badan ah.

Tan iyo markii uu dhacay duulaankaas, madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dib u habeyn ku sameeyay Istaraatiijiyadda Kenya ee la dirirka argagixisada, isagoo faray in ciidamadda amniga la siiyo hub noocii ugu dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM