Dagaalame kasoo goostay Al-Shabaab oo isu dhiibay booliska Kenya
NAIROBI, Kenya – Taliska Booliska argagixiso la dirirka ee waddanka Kenya ayaa xaqiijiyey in ay gacanta ku hayaan ruux sheegtay in uu kasoo goostay ururka Al-Shabaab.
John Muimi, oo 23-sano jir ah, ayaa iska dhiibay saldhiga bileyska ee Mojengo, oo hoostagta magaaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Saraakiisha oo ku adkeystay in aysan si dhab ah ugu kalsoonaan karin sheegashadiisa ayaa tilmaamay in ay baaritaan ku wadaan.
"Lama ogga in uu run sheegayo ama been, balse waqtiga ayaa inoo sheegi doono," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska bileyska.
Mas'uuliyiin ayaa laga soo xigtay in laamaha ammaanka ay baadi-goobi doonan caddeymo iyo qirashooyin dheeraad ah.
"Hadii sheegashadiisu noqoto mid lagu kalsoonaan karo, waxay dalka ka caawin kartaa baacsiga argagixisadda," ayay intaas ku dareen.
Shaqsiga is-dhiibay ayaa watay laba mobeel oo kuwa gacanta ah iyo darees, sidda laga soo xigtay baareyaasha gacanta ku haya kiiskaan.
Inta illaa iyo haatan la og-yahay, Muimi oo ku dhashay Sambura ayaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku biiray November, 2019.
"Kahor inta aan u talaabin Soomaaliya, waxaan u safray Mandheera. Tababar kooban ayaan kusoo qaatay Soomaaliya, waana lay dhaariyey," ayuu xusay John Muimi.
Muimi waxaa socdaalkaas ku wehliyey lix kale oo dhamaantooda Kenyan ah, sidda ay Arbacada maanta ah baahisay saxaafadda maxaliga ah.
Talaabada John Muimi ayaa imaaneysa iyaddoo Kenya ay wajahayso cambaareyn ku saabsan in ay toogasho ku dileyso xubnaha kasoo baxsanaya maleeyshiyaadka Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE