Dagaalameyaal Al-Shabaab ah oo ku dhamaadey weerar ay maleegayeen

Image

NAIROBI, Kenya – Saddex dagaalame oo looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa ku naf-waayey markii ay ku qaraxdey Miino ay maleegayeen, sidda lagu sheegay warbixin kasoo baxdey taliska ciidamadda booliska dalka Kenya.

Sidda ku xusan warbixinta, dhacdadaan ay sidoo kale ku dhaawacmeen afar maleyshiyo kale ayaa ka dhacdey degaanka Faafi ee ismaamulka Garissa.

Goobjoogeyaal ayaa soo wariyey in gaari nooca raaxada ah oo ka yimid xerada Al-Shabaab ee Santaro ayaa lagu daad-gureeyay dhaawacyadda.

Dadka degaanka ayaa intaas ku daraya in baabuurka uu watay taarikada Soomaaliya noociisana uu ahaa Cabdi Bila laba shirey ah.

"Waxaan Khamiistii, 10-ka September, nagula soo wargeliyey in abaare tobbankii galabnimo ay degaanka Fafi ee ismaamulka Garissa ay qaraxdey Miino iyaddoo xubno lagu tuhmayo Al-Shabaab ay diyaarinayeen," ayuu yiri taliska.

Qoraalka ayaa la raaciyey; "Qaraxa wuxuu dilay saddex maleeyshiyo ah oo isla goobta ku naf-baxdey, afar kalena waxaan soo gaarey dhaawacyo".

Dhacdadaan ayaa kusoo hagaageysa ku dhowaad laba bilood kadib markii Al-Shabaab ay beegsatay saldhiga Korakora ee isla dowlad goboleedkan.

Shacabka ayaa soo wariyey in dagaalameyaal ka badan 20 ay qaadeen weerarkan lagu ekeeyay anteenada shir isgaarsiineed kahor inta aysan saraakiisha ka hortagin waxyeelo badan.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi barri, Rono Bunei, ayaa tilmaamay in falkaas uusan khasaaro dhimasho ah kasoo gaarin saraakiisha taliskooda.

Sarre u kac badan ayaa laga dareemayaa weerarada argagixisada la xiriira ee xuduudka ugu muhiimsan Soomaaliya iyo Kenya, iyaddoo warbixino sirdoon ay ka dhigayaan in xoogaga hubeysan ay beegsan karaan xarumo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM