Dal mamnuucay in laga waramo xaalada caafimaaddka madaxwaynahooda

Image
Hoggaamiyaha 91-jirka ah - oo xilka hayay in ka badan afartan sano - laguma arag meel fagaare ah tan iyo 8-dii Sebtembar.

NAIROBI, Kenya - Mas'uuliyiinta Cameroon ayaa warbaahinta ka mamnuucay inay ka hadlaan caafimaadka madaxweyne Paul Biya, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhimashadiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha Paul Atanga Nji ayaa u sheegay gudoomiyaasha gobollada in sheekooyinkan ay " carqaladeynayaan xasilloonida dadka reer Cameroon ".

"Dood kasta oo ka dhaca warbaahinta oo ku saabsan xaaladda madaxweynaha si adag ayaa loo mamnuucay," ayuu ku adkaystay, isagoo ku hanjabay "in dembiilayaasha ay wajihi doonaan sharciga adag."

Hoggaamiyaha 91-jirka ah - oo xilka hayay in ka badan afartan sano - laguma arag meel fagaare ah tan iyo 8-dii Sebtembar, markaasoo uu ka qaybgalay shirkii Shiinaha iyo Afrika ee Beijing.

Dhowr mas'uuliyiin ah ayaa gadaal ka riixay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan xaaladda Biya, iyagoo ku adkeystay inuu caafimaad qabo oo uu si gaar ah u joogo Geneva, Switzerland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM