Dalab la doonayo in lagu xiro madaxweynaha Masar oo la gudbiyey

Image

LONDON, UK – Tobanaan qareeno ah oo u dhashay Ingiriiska ayaa dacwad ka dhan ah madaxweynaha Masar u gudbiyey booliska magaalada London.

Dacwad-oogeyaasha oo cuskanaya eedeymo culus ayaa xusul-duub in la siiyo balwo [warrant] ay kusoo xiraan Cabdel Fataax Al Sisi.

Waxyaabaha ay doodooda ku xoojinayaan waxaa kamid ah "caddeymo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya ku lug-lahaanshiyaha dambiyo".

Eedeymaha ay u jeediyeen Al Sisi waxaa kamid ah "jirdilka iyo khaarjinta" Maxamed Mursi, madaxweynihii hore ee Masar.

Mursi, hogaamiyihii Ikhwaanu Muslimiin, ayaa geeriyooday isagoo xabsi ku jira, bishii June 17-keeda sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2019-kii.

Talafishinka dowladda Masar ayaa baahiyey in Mursi uu dhintay markii uu miyir-daboolmay isagoo maxkamadeyn ay ku socoto.

Baareyaal madax banaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in geerida Mursi ay ku Timid "abaabulka amar dowladeed".

Dalabka xariga Al Sisi oo uu isku soo dubay Golaha Kacaanka Masar, ayaa imaanaya iyaddoo madaxweynaha uu ka qeybgalayo shirka Ingiriiska iyo Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM