Dalalka Afrika ee maanta shaaciyey kiisaskii ugu horeeyay ee COVID-19

Image

NAIROBI, Kenya – Kala-bar qaaradda Afrika ayaa haatan la tacaalaya kiisas la xiriira caabuqa saf-marka ah ee Coronavirus markii dalal cusub ay Isniinta maanta xaqiijiyeen in ay hayaan dad la nool cudurkaas.

Tanzania, Liberia, Benin iyo Soomaaliya ayaa ah wadamada maanta ku dhawaaqay in ay hayaan kiisaskoodii koowaad.

Tani macnaheedu waxay tahay in 30 dal oo qaarada ah – kala-bar tiradda guud ee Afrika – ay haatan daaweynaya 400 bukaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore qabatay afar muwaadin oo ka yimid Shiinaha, kuwaasoo midkood laga helay xanuunka, sidda ay shaaca ka qaadey Wasaaradda Caafimaadka.

Badi qaramada Afrika ayaa hakiyey duulimaadyada caalamiga ah. Si lamid ah, kuwa kale waxay xireen xadka cabsi laga qabo in cudurka uu xididaha u siibo nidaamka caafimaad ee wadamada.

Dhanka kale, Rwanda, Burkina Faso, Ethiopia, iyo Cameroon ayaa shaaciyey in ay korodhay tiradda dadka ay ka heleen cudurka.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa ku talisay in lagu dedaalo nafaada, arrintaasna ay tahay qaabka kaliya ee loola dagaalami karo fayruska kasoo bilowday magaalada Wuhan ee dalweynaha Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM