Dalka "bixiyey" hub ay Al-Shabaab ku fulisay weeraro culus oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Lacag, hub iyo rasaas ay Iiraan bixisay ayaa loo adeegsaday weeraradii 2019-kii iyo 2020-kii ay Al-Shabaab ku qaadey saldhigyadda Mareykanka ee Soomaaliya iyo waqoyga Kenya, sidda uu wariyey Foreign Policy.

Wargeyskan afka dheer ayaa macluumaadkaas wuxuu kasoo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo saraakiil sarre oo dhanka amniga ah.

Sidda ku xusan warbixinta, si lamid ah weerarkii ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku ekeeyeen kolanyo ka tirsan ka tirsan ciidamada Midowga Yurub ee ka dhacay Muqdisho waxaa loo isticmaalay isla sahay Iiraan bixisay.

Warsidaha Garowe Online ayaanan si madax-banaan u xaqiijin karin eedeymahaan aysan wali jawaab rasmi ah ka bixin xukuuamda Tehran.

Bishii Janaayo 5-teeda sanadkan 2020, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhiga Manda Bay ee ciidamada Mareykanka ku leeyihiin waqooyi bari Kenya. Saddex Ameerikaan ayaa ku dhimatay, burbur hantina waa uu ka dhashay.

Weerarkaan wuxuu yimid laba maalmood kadib markii Mareykanka uu duqeyn cirka ah ku dilay Qaasim Suleymaani, taliyihii ciidamada sirdoonka dibadda ee Iiraan. Jeneraalkan waxaa lagu khaarijiyey gudaha waddanka Ciraaq.

Inkasta oo Al-Shabaab ay sheegtay in weerarkaas uusan wax xiriir ah la lahayn khaarijinta Suleymaani, hadana dad badan baa is-waafujiyey.

Bishii September 30-keeda, 2019, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhiga Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, wallow uusan khasaaro nafeed soo gaarin ciidamadii joogay. Xeradan ayaa 60 miles u jirta caasimada Muqdisho.

Isla maalintaas, Al-Shabaab ayaa gudaha Muqdisho qarax gaari kula beegsatay kolanyo ay la socdeen ciidamo Talyaani ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Yurub ee tababarka siiya Ciidamada Soomaaliya ee la diriraya maleyshiyada.

Dhanka kale, warbixinta jaraa'idka ayaa daaha looga rogay in Iiraan ay Soomaaliya ka dhigatay marin ay hubka u marsiiso Xuutiyiinta Yemen isla markaana ay ka aas-aasatay shabakado la macaamila dambiileyaasha oo gudbiya hubka.

"Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in weerarada Al-Shabaab ay tan iyo 2017-kii noqdeen kuwa dhimasho badan dhaliya, waxaana korortay awoodooda, taasna waxaa ugu wacan taageerada Iiraan," ayaa lagu yiri qormada boggan afka dheer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM