Jabuuti oo martigelineysa saldhiga cusub ee ciidamada badda Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Jabuuti ayaa noqon doonta dalka martigelinaya saldhiga ciidamadda badda ee uu dhisanayo waddanka Itoobiya, sidda uu daabacay wargeyska afka dheer ee The Capitale Ethiopia.

Faransiiska ayaa wuxuu ka taageerayaa xukuumadda Addis Ababa dib u dhiska ciidamadda, waxaana cutubyo kamid ah ay tababar kusoo qaateen France, talaabadaas oo daaran is-afgarad dhexmaray.

Illo wareedyo ayaa waxay ku warameen in taliska guud ee ciidamadda, marka laga hadlayo gudaha Itoobiya, laga hirgelin doono magaaladda Bahir Dar, oo ah xarunta ismaamulka Amxaarada.

Kadib markii uu xafiiska yimid bishii April sanadkii hore ee 2018-kii, ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa shaaca ka qaadey in dib u soo celin doono cudada ciidamadda badda ee waddankiisa.

"Waxaan dhisnay mid kamid ah saldhiyadda ugu awooda badan, ciidamadda cirka ee Afrika, haddana waxaan dhiseynaa awoodeeda xoogaga badda," ayuu sanad kahor ka dhawaajiyey.

Tan go'itaankii Eritrea, Itoobiya ayaa ahayd waddan aan bad lahayn, balse kamida kuwa ugu dadka badan ee qaaradda Afrika. Si lamid ah, ma lahan dekad, oo kamid ah kaabeyaasha dhaqalaha.

Socdaalkiisii u dambeeyay ee Jabuuti bishii October, Abiy ayaa wuxuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kala soo hadlay ajendeyaal ay ku jiraan saldhiga ciidamadda badda.

Meladu ayaa waxay kolkii hore ahayd in Eritrea ama Suudaan midkood noqon karto, haddase waxaa la xaqiijiyey in Jabuuti ay laga dhisi doono, sababtoo ah in ay dhacdo marin istaraatiiji ah.

Kahor inta uusan Abiy Axmed xukunka la wareegin, wafdi Itoobiyaan ah ayaa kormeer ku tegay Obock, magaalo xeebeed ku taala waqoyga gacanka Tadjoura ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Kormeerkooda ayaa wuxuu salka ku hayey qiimeynta mustaqbalka dekad ay Itoobiya damacsan tahay in ay ka dhisto halkaas.

Balse waxaa nan wali la xaqiijin magaaladda kamid ah Jabuuti ee dhisi doono saldhiga ciidamadda badda Itoobiya. Ma caasimaddaa ama meel aan sidaas uga fogeyn? Waa jawaab aan wali la helin.

Jabuuti, oo ah dal yar oo horey uga tirsanaa Soomaaliya uuna gumeystay Faransiiska, ayaa waxaa haatan xerrooyin ku leh qaar kamid ah dowladdaha ugu tunka weyn dunida – Mareykanka iyo Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM