DF oo ka aamusan Soomaalida hantidooda lagu boobayo South Africa

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ayaa waxa ka aamusan tahay rabshadaha iyo boobka ka dhanka dhan ah Ajaaniibta ku nool Koonfur Afrika, kuwaasi oo ay ku jiraan dad Soomaaliyeed.

Rabshadaha oo ka socda magaalooyin kala duwan ayaa illaa iyo hadda la hubiyey inay ku naf-waayeen shan. Booliska oo tirada xaqiijiyey ma shaacin jinsiyadaha xili laga cabsi qabo in ay Soomaali kamid yihiin.

Mehrado ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa lagu waramayaa in ay bilaliqeysteen Koonfur Afrikaanka ah qulqulatooyinka hogaaminaya kuwaasi oo illaa iyo haatan xabsi laga dhigay 40 qof.

Safaaradda Soomaaliya iyo xukuumadda Muqdisho midkoodna wali kama aysan fal-celin dhibaatooyinkan xili qaar kamid ah dowladaha ay dadkooda ku nool dalkaasi ay cambaareeyeen falalkn.

"Wax cudardaar malahan weeraradda ka dhanka ah ajaaniibta," sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, kaasi oo muuqaal uu luqad adag ku adeegsanayo soo duubay.

Dowladaha Itoobiya, Nigeria iyo Zambia oo muwaadniintooda ay wax ku noqdeen rabshadahaasi ayaa ku tilmaamay "falal wuxushnimo ah" iyaga oo Koonfur Afrika ku sifeeyay dal u muuqda "in aysan dowlad ka jirin".

Ururka Midowga Afrika oo cadaadiska kusii kordhiyey dowladda Koonfur Afrika ayaa ku tilmaamay dhacdooyinkaasi kuwa aanan loo dulqaadan karin, una baahan xal kama dambeys ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dalkan laga soo wariyo falal ka dhanka ah ajaaniibta waliba lagu beegsado hantidooda qaarkoodna gebi ahaanba nolosha lagu dhaafiyo oo ay Soomaali ku jiraan.

Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii ugu xumeyd gulufyadda naceybka ee ka dhanka ah ajaaniibta degan dalkan, xiligaasi oo shisheeyaha wadankaasi ku nool gabaad looga dhigay garoon kubada cagta lagu dheelo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM

Kenya: Bas Sidday Dad Aas Ka Soo Qaybgalay oo Ku Rogmaday

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ammaanka waddooyinka si looga hortago dhacdooyin naxdin leh oo kale.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 09:47AM