Dhalinyaro "dishay" nin ay ku eedeeyeen in uu qabo Coronavirus

Image

NAIROBI, Kenya – Koox dhalinyaro ah ayaa lagu waramay in Arbacada maanta ah ay degaanka Kibundani ee ismaamul goboleedka Kwale ay ku dileen nin ay ku eedeeyeen in uu qabo Coronavirus.

Wargeyska afka dheer ee Daily Nation ayaa shaaciyey in illaa iyo haatan aysan jirin cid loosoo qabtay falkaas. Ma cadda waxa dhexmaray da'yarta iyo ruuxa dhintay kahor inta weerarka.

Taliska ciidamada Booliska maamul goboleedkaas oo si kooban uga hadlay dhacdadaas ayaa ku adkeystay in ay baarayaan kiiskaas.

Tan iyo markii la xaqiijiyey kiiskii koowaad, dadweynaha Kenya ayaa "feejigan", iyadoo la mamnuucay isu-imaatinka iyo duulimaadyada caalamiga ah, waxaana dadka lagu booriyey nadaafada.

Dhanka kale, wasiirka caafimaadka ayaa shaaca ka qaadey in ay korodhay tirada kiisaska caabuqaas oo ay si rasmi ah u xaqiijiyeen.

Mutahi Kagwe ayaa saxaafada maxaliga ah u sheegay in maanta ay hubiyeen saddex kiis kale oo cusub, taas oo tirada guud ka dhigeysa todoba.

Bukaanada cusub, oo lala tacaalayo xaaladiisa caafimaad, ayaa u dhashay waddanka Burundi, sidda uu baahiyey jaraa'idka Daily Star.

Sikastaba, muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ka imaanaya dibadda ayaa garoomada diyaaradaha ku saxiixaya warqad sharci ah, taasoo ay ku balanqaadayaan in ay geli doonan is-karan-tiilid shaqsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM