Dhaqaale xumo darran oo soo wajahday Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay wajahayso dhaqaale xumo, iyadoo hoos u dhacay dakhligii gudaha, sababo la xiriraha colaadaha ka taagan dalka iyo xaaladaha bini'aadanimo, oo abaarta ugu horeyso.

Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa Gollaha Wakiilada u soo gudbiyay warbixin ku saabsan kharashaadka ka baxa dowladda ee adeegga bulshadda iyo dakhliga soo gala.

Wuxuu dakhliga dawladdu uu ahaa 331.1 bilyan oo birr [$5.76 billion], kharashkuna uu ahaa 470 bilyan oo birr [8.17 billion] siddeedii bilood ee la soo dhaafay, walaaca laga qabo in la bixin waayo deynta dibadda ayaa kor u kacay.

Desalegn Wedage, oo ah guddoomiyaha guddiga joogtada ah ee qorsheynta, miisaaniyadda, iyo maaliyadda, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda in la bixiyo deynta sii kordheysa, wuxuuna ku booriyay Xukuumadda in la beddelo jihada siyaasadda.

Wasiiru dowlaha maaliyadda Eyob Tekalgn ayaa soo jeediyay in la xoojiyo dakhliga gobollada si meesha looga saaro farqiga. Caqabadaha ka jira mashaariicda federaalka oo ay ugu wacan tahay colaadda ayaa sidoo kale laga hadlay.

Tan iyo 2020, Itoobiya waxaa ka socday dagaallo, gaar ahaan gobollada Tigray, Amhara iyo Oromia, halkaasoo ay ka jiraan fallaago dowladda kasoo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM