Shirkii saddex-geesoodka ee Farmaajo, Abiy iyo Uhuru oo dib-u-dhacay

Image

NAIROBI, Kenya - Shirkii laba-geesoodka ahaa isla markaana qorshuhu ahaa ay 16-ka Maaj, 2020 ay Nairobi ku yeeshaan hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dib-u-dhacay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo ku dhawaaqdey baaqashada ayaanan soo bandhigin sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintaas.

Qoraal ay u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayay cudurdaar kaga muujisay dib-u-dhac oo ay ku qeexdey "mid laga foqsan waayey".

Warqadda oo nuqul kamid ah ay heshay warbaahinta ayaanan lagu soo bandhigin taariikhdi xigta oo uu qabsoomi doono wadahadalkaas.

Madaxweyneyaasha ayaa ka arrinsan lahaa qodobo muhiim ah oo xal loogu raadinayo khilaafka Muqdisho iyo Nairobi ee xiisada sohdinta.

Bayaanka waxaa kasoo dhex-muuqdey ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo la sheegay in uu qeyb ka ahaa wadahadalka, wallow aan horey loosii shaacin.

Abiy ayaa la fahansan yahay in uu ka shaqeeyay in Farmaajo uu telefoonka kula hadlo Uhuru kadib cadaadis kaga yimid Mareykanka.

Inkastoo aysan noqon lahayn markii koowaad, tani ayaa macnaheedu tahay in shirka uu noqon lahaa mid saddex-geesoodka ah.

Dhinaca kale, dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaanan wali ka jawaabin dib-u-dhac ku yimid wadaxaajoodyadda xasaanada leh.

Cilaaqaadka Muqdisho iyo Nairobi ayaanan wanaagsaneyn bilooyinkii lasoo dhaafay, waxaana mar walba oo xoogaa isu soo dhowaanshiyo ay soo ifbaxdo saameynayey mawduucyo ay isku qabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM