Diyaarad duulimaad ka bilaabi lahayd Muqdisho oo dib u dhigtay

Image

NAIROBI, Kenya – Shirkadda diyaaradaha Jambojet ayaa shaacisay in ay dib u dhigtay duulimaad ay 24-kii bishaan November sanadkan 2019 ka bilaabi lahayd Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya.

Allan Kilavuka, madaxa fulinta shirkaddan fadhigeedu yahay Kenya, ayaa xusay duulimaadka ay bilaabi doonaa sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Mr Kilavuka ayaa u sheegay wargeyska Business Daily in dib u dhaca ay keentay markii aysan mas'uuliyiinta duulimaadka Soomaaliya aysan u soo gudbin shuruucda hirgelin karay duulimaadkooda.

"Waxaan wali wada hadalo kula jirnaa mas'uuliyiinta duulimaadka Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in aan sanadka dambe si rasmi ah u bilaabi doono duulimaadyadeena Muqdisho," ayuu raaciyey.

Jambojet ayaa waxay kamid tahay diyaaradaha qiimaha hoose [raqiiska ah] lagu raaco marka ay timaado duulimaadka maxaliga.

Qorshaha duulimaadka ay uga bilaabayaan Muqdisho ayaa qayb ka ah barnaamijkooda balaarinta shirkadda ee 2020-ka.

Kenyan Airways ayaa haatan duulimaadyo toos ah waxay si maalinle ah uga fulisaa Muqdisho-Nairobi, taas oo isu socodka iyo kobac dhaqaale oo baaxad leh u horseeday labadda waddan ee deriska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM