Diyaarad duulimaad ka bilaabi lahayd Muqdisho oo dib u dhigtay

Image

NAIROBI, Kenya – Shirkadda diyaaradaha Jambojet ayaa shaacisay in ay dib u dhigtay duulimaad ay 24-kii bishaan November sanadkan 2019 ka bilaabi lahayd Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya.

Allan Kilavuka, madaxa fulinta shirkaddan fadhigeedu yahay Kenya, ayaa xusay duulimaadka ay bilaabi doonaa sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Mr Kilavuka ayaa u sheegay wargeyska Business Daily in dib u dhaca ay keentay markii aysan mas'uuliyiinta duulimaadka Soomaaliya aysan u soo gudbin shuruucda hirgelin karay duulimaadkooda.

"Waxaan wali wada hadalo kula jirnaa mas'uuliyiinta duulimaadka Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in aan sanadka dambe si rasmi ah u bilaabi doono duulimaadyadeena Muqdisho," ayuu raaciyey.

Jambojet ayaa waxay kamid tahay diyaaradaha qiimaha hoose [raqiiska ah] lagu raaco marka ay timaado duulimaadka maxaliga.

Qorshaha duulimaadka ay uga bilaabayaan Muqdisho ayaa qayb ka ah barnaamijkooda balaarinta shirkadda ee 2020-ka.

Kenyan Airways ayaa haatan duulimaadyo toos ah waxay si maalinle ah uga fulisaa Muqdisho-Nairobi, taas oo isu socodka iyo kobac dhaqaale oo baaxad leh u horseeday labadda waddan ee deriska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM