Donald Trump iyo Uhuru Kenyatta oo wada-hadalo yeeshay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Kenya, Donald Trump iyo Uhuru Kenyatta, ayaa wada-hadalo ku yeeshay Aqalka Cad.

Kenyatta oo shalay galab tegay guriga looga arimiyo Mareykanka ayaa loo galbiyey xafiiska Oval, halkaasoo Trump ay ku shireen.

Is-aragga kadib, Trump ayaa sheegay in heshiiskii ugu horeeyay ee dhexmara Mareykanka iyo Kenya "ay u badan tahay in uu dhacdo".

Dhankiisa, Kenyatta oo su'aal arrintaas ku saabsan la waydiiyey ayaa ku jawaabay "waa wax u badan in ay dhici karto".

"Heshiiskaan ku saabsan ganacsiga ma saameyn doono xiriirka ganacsi ee nagala dhaxeeya wadamadda kale," ayuu raaciyey.

Isagoo ka hadlayey madasha Athlantic Council, Kenyatta ayaa kasoo horjeestay dagaal ganacsi oo dhexmara Mareykanka iyo Shiinaha.

Washington iyo Bejing ayaa ku loolamaya suuqa hodanka ah ee Afrika, halkaasoo China uu sanadihii dambe aad ugu xooganaa.

Maamulka Trump ayaa qorsheynaya in uu dhimo joogitaanka Mareykanka ee Afrika, si uu diiradda saaro Ruushka iyo China.

Kenya ayaa xulafo muhiim ah u ah Mareykanka si gaar ah dagaalka argagixisadda. Askar badan oo Ameerikaan ayaana ku sugan dalkaas.

Al-Shabaab oo khatarta ugu weyn ah ayaa bishii hore weerartay xerada Manda Bay ee Mareykanku degan yahay ayaa dishay saddex Ameerikaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM

Hoggaamiyihii  Jabuuti oo geeriyooday, isagoo 91 jir ah

Wuxuu soo noqday guddoomiyaha Golaha Dhulka ee Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciise laga soo bilaabo 1967 illaa 1976.

  • Afrika

    17-12-2025

  • 07:13AM