Dowlad ku meelgaar ah oo looga dhawaaqay Mali kadib afgembi ciidan

Image
Image

BAMAKO, Mali – Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Mali, Ba N'Daou, ayaa loo magacaabay madaxweynaha dowlad cusub oo ku meelgaar ah taasoo laga yagleelay waddankaas kadib afgembigii milatarigu sameeyay.

Hogaamiyaha dowladda milatariga Korneyl Assimi Goita ayaa dhankiisa waxaa loo xushay madaxweyne ku xigeenka, sidda uu Isniinta maanta ah baahiyey telefishinka ku hadla afka dowladda.

Sidda laga soo xigtay qorshe ay riixeyso dowlada milatariga, madaxweynaha cusub wuxuu hogaanka haynayaa bilooyin kahor inta aan la qaban doorashooyin xukunkana dib loogu soo celin dowlad rayid ah.

Ciidamada xukunka qabsaday 18-kii August ayaa wajahay cadaadis culus oo kaga yimid deriskooda dhaca Galbeedka qaarada Afrika, waxaana loogu baaqayay in ay awooda dib ugu celiyaan dadweynaha.

Milatariga ayaa xukunka ka tuuray madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita kaasoo ku fashilmay in uu xaliyo khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay dib u doorashadiisa taasoo ay ka gadoodeen mucaaradka.

Todobaadkii hore, hogaamiyeyaasha dalalka Galbeedka Afrika ayaa ku adkeystay ahmiyada ay leedahay in madaxweynaha ku meelgaar ah uu noqdo rayid, iyagoo ku xigeenka u daayey in uu noqdo askari.

N'Daou iyo Goita ayaa waxaa soo doortay koox guddi doorasho ah kuwaasoo ay soo xulatay dowladda milatariga hor-boodayo, taasoo haatan u muuqaneysa in uu soo afjarmayo waayaheeda hogaaminta qarankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM