Kenya oo fariin u dirtay ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya ayaa waxay kula dardaarantay ciidamadda ka jooga Soomaaliya in aysan dib u gurasho sameyn isla markaana ay gunta dhiisha isaga dhigaan howlgalada ay wadaan.

Dr. Monica Juma, wasiirka wasaaradaas oo ka hadleysay xuska maalinta aas-aaska ciidamadda Kenya oo ku beegan 14-ka October, 2020 ayaa ku sifeysay ciidanka dalkeeda "geesiyaal sumcad u soo hooyey dalkooda".

Tan iyo markii ciidamadda dalkeeda ku biireen howlgalka AMISOM ayay sheegtay in ay hoos u dhaceen weerarada Al-Shabaab ka fuliso waddanka Kenya, wallow ay qirtay in ay wali wajahayaan halis kaga imaaneysa.

"Maalin un waan ka guuleysan doonaa Al-Shabaab, nabadna waan kusoo dabaali doonaa deriskeena. Soomaaliya oo ammaan ah waxay na siineysaa amni aan ku helno waddankeena iyo xuduudeena iyo sohdinta deriskeena oo nabad-gelyo noqota taasoo faa'iido u ah Geeska Afrika," ayay xustey.

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegaa in ka badan 3,500 askari, waxaana ay ku badan yihiin Jubbooyinka.

Mas'uuliyiinta xukuumadda Nairobi ayaa ku adkeysanaya in aysan ka hayaami doonin Soomaaliya illaa laga adkaanayo maleyshiyadda hubeysan ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii ciidamada Kenya soo galeen Soomaaliya waxay dalkaas ka fulineysaa weeraro mid kamid ah kuwii ugu cuslaa ay kamid yihiin West Gate Mall iyo Dusit2 kuwaasoo tobanaan rayid lagu dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM