Dowladda Kenya oo ku dhawaaqdey kiisas cusub oo Coronavirus ah

Image

NAIROBI, Kenya – Tirada dadka laga helay Coronavirus ee ku dhaqan Kenya ayaa gaartey 15, sida ay shaacisay Wasaarada Caafimaadka.

Xukuumadda Nairobi ayaa waxay daboolka ka qaadey in dhamaan kiisaska cusub ay yihiin kuwa waddankaas lasoo geliyey.

Kiisaska cusub ayaa shan kamid ah laga helay Kenyan; laba Faransiiska u dhashay iyo muwaadin kasoo jeeda dalka Mexico.

Talaabooyin dheeraad ah oo looga hortagayo in dalkaas uu ku faafo caabuqaas dilaaga ah ayaa lagu soo rogay dadweynaha.

Go'aanada waxaa kamid ah in albaabada loo laabo makhaayadaha si lamid ah manuucista duulimaadyadda dibada, illaa iyo amar dambe.

Sidoo kale, waxaa la amray in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo xiro Masaajida, Kaniisadaha iyo goobaha ay bulshaddu ku kulanto.

Kenya ayaa kamid ah wadamada ay aadka ugu badan yihiin Soomaalida, wallow illaa iyo haatan aan lasoo warin muwaadin uu ku dhacay.

Coronavirus oo kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha ayaa dunida oo idil wuxuu ku laayey in ka badan 11-kun oo ruux.

Kiisaska laga soo wariyey qaaradda Afrika ayaa illaa iyo haatan kor-u-dhaafaya kun, iyaddoo dalalka xaqiijiyey ay ka badan yihiin 30 wadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM