Dowladda Kenya oo ku dhawaaqdey kiisas cusub oo Coronavirus ah

Image

NAIROBI, Kenya – Tirada dadka laga helay Coronavirus ee ku dhaqan Kenya ayaa gaartey 15, sida ay shaacisay Wasaarada Caafimaadka.

Xukuumadda Nairobi ayaa waxay daboolka ka qaadey in dhamaan kiisaska cusub ay yihiin kuwa waddankaas lasoo geliyey.

Kiisaska cusub ayaa shan kamid ah laga helay Kenyan; laba Faransiiska u dhashay iyo muwaadin kasoo jeeda dalka Mexico.

Talaabooyin dheeraad ah oo looga hortagayo in dalkaas uu ku faafo caabuqaas dilaaga ah ayaa lagu soo rogay dadweynaha.

Go'aanada waxaa kamid ah in albaabada loo laabo makhaayadaha si lamid ah manuucista duulimaadyadda dibada, illaa iyo amar dambe.

Sidoo kale, waxaa la amray in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo xiro Masaajida, Kaniisadaha iyo goobaha ay bulshaddu ku kulanto.

Kenya ayaa kamid ah wadamada ay aadka ugu badan yihiin Soomaalida, wallow illaa iyo haatan aan lasoo warin muwaadin uu ku dhacay.

Coronavirus oo kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha ayaa dunida oo idil wuxuu ku laayey in ka badan 11-kun oo ruux.

Kiisaska laga soo wariyey qaaradda Afrika ayaa illaa iyo haatan kor-u-dhaafaya kun, iyaddoo dalalka xaqiijiyey ay ka badan yihiin 30 wadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM