Dowladda Kenya oo "la wareegtay" gudoonka urur goboleedka IGAD

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah ula wareegtay gudoonka urur goboleedka IGAD, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka diblumaasiyadda ah oo magacooda ka gaabsaday.

Go’aankan ayaa waxaa lagu gaarey shir ay dhowaan madaxda dalalka xubnaha ka ah ururkan ay ku yeesheen Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, kaasi oo madaxweynaha Soomaaliya, uu qeyb ka ahaa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo u tegay Ethiopia ka qeybgalka daah-furka munaasabad beer laga dhex-dhisay Madaxtooyadda Itoobiya oo ay hogaamiyeyaasha wadamada xariga ka jareen.

Kenya ayaa jagadda gudoonka kala wareegaysa Itoobiya. Ra'iisul wasaare Abiy Axmed Cali ayaa ahaa gudoomiyaha IGAD tan iyo bishii April, xiligii xafiiska uu la wareegay.

Hase ahaatee, akhbaarta ku saabsan IGAD ayaa waxaa hareeray guusha Abiy ee abaalmarinta nabadda aduunka, Nobel Peace Prize.

Abiy oo ay iska dhaleen Aabe Islaam ah iyo hooyo Masiixi ah ayaa ku muteystay biladda nabada uu la qaatay Eritrea iyo doorka uu ku yeeshay is-dhexgalka dhaqaalaha, dhaqanka iyo siyaasadda aduunka.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa horkacaya is-fahamka Iskaashiga Saddex-geesoodka Geeska Afrika, kaasoo ay kuwada jiraan dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Jagada gudoonka IGAD ayaa ah mid meerto ah, waxaana dalalkii ugu dambeeyay ee maamulayey tan iyo 2008-dii ay ahaayeen wadamadda Kenya iyo Itoobiya.

Hogaamiyeyaasha IGAD ayaa sidoo kale isku raacay in Itoobiya ay noqoto murashaxa ugu muhiimsan ee xilka xoghayaha fulinta oo ah jago kale oo muhiimad gaar ah leh.

"Madaxdu waxay kaloo isla qaateen in shirka madaxeedkoodkoodu ka qabsoomo Kenya October 2019-ka, halkaas oo munaasabada xil-wareejinta ay ka qabsoomeyso," ayay yiraahdeen illo wareedyadda.

La wareegitaanka Kenya ayaa soo afjareysa dalabkii Soomaaliya ee ahaa in ay dooneyso xilkaas. Madaxweyne Farmaajo wuxuu sanadkii hore xusay in dalku quudareynayo booskaas.

Sanadihii u dambeeyay, Itoobiya, Uganda iyo Eritrea ayaa xilkan qabtay min 5-jeer, Suudaan oo 8-jeer ah iyo Kenya oo 11-jeer ah, halka Soomaaliya oo aas-aastay ururkan ayaaney abid gacanta ku dhigin.

IGAD oo dhidibada loo taagay bishii Janaayo 1986-dii ayaa waxaa wadamada xubinta ka ah ay kala yihiin; Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Soomaaliya, Sudan, Suudaanta Koonfureed iyo Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM