DR Congo: Isku-day xabsi ka baxsasho oo galaaftay nolosha 129 qof

Image
Xabsiga Makala ayaa ah kan ugu weyn DRC waxaana loo dhisay in lagu xiro 1,500 oo maxbuus.

NAIROBI, Kenya - Mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa sheegay in ugu yaraan 129 qof lagu dilay xabsiga dhexe ee Makala ee caasimadda Kinshasa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Shabani Lukoo ayaa sheegay in maxaabiista ay isku dayeen in ay baxsadaan xilli uu dab qabsaday dhismooyinka maamulka ee jeelka oo ay ku jiraan kuwa bukaan jiifka ah.

Xabsiga Makala ayaa ah kan ugu weyn DRC waxaana loo dhisay in lagu xiro 1,500 oo maxbuus. Balse hadda waxaa lagu haayaa inta u dhaxaysa 14,000 ilaa 15,000 maxbuus.

"Marka loo eego tirokoobka rasmiga ah, intooda badan waa dad maxkamad sugayaal," ayay Amnesty International ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay ee dalka ee DRC.

Xabsigu waxaa loo diiwaan galiyay dhacdooyin noocaan oo kale, oo uu ku jiro 2017 markii in ka badan 4,000 oo maxbuus ay ka baxsadeen markii ay weerareen rag hubaysan xilli habeen ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM