DR Congo: Ku dhowaad 40 qof oo lagu dilay weeraro gaadmo ah

Image
Weerarka ayaa lala beegsaday tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobol laga helo dahab iyo macdan.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 45 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weeraro is daba joog ah oo todobaadkii la soo dhaafay ka dhacayay gobolka Waqooyiga Kivu ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Dagaalo tobanaan sano socday oo u dhexeeya kooxaha hubaysan oo isku haysta dahab iyo macdan faa’iido badan ayaa gobolka baabi’iyay, malaayiin qofna waxay ka carareen guryahoodii.

Dowladda Kongo ma aysan xaqiijin cidda mas'uulka ka ah dilalka toddobaadkan, balse ilo-wareedyo badan oo maxalli ah ayaa sheegaya in kooxda Allied Democratic Forces (ADF) ee xiriirka la leh dowladda Islaamiga ah ay mas'uul ka tahay.

Weerarka ayaa lala beegsaday tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi oo ku xeeran magaalada Beni, halkaasoo dad badan ay u qaxeen markii weeraradda ay sii kordheen.

ADF ayaa laga sameeyay xuduuda bariga Uganda sagaashamaadkii, waxayna hubka u qaadatay madaxwaynihii mudada dheer soo xukumayay dalkaas, Yoweri Museveni, iyaga oo ku eedeeyay dowladdiisa inay cadaadis ku hayso Muslimiinta.

Howlgallo militari oo ay si wadajir ah u fulinayaan ciidamada Uganda iyo kuwa Kongo ee ka dhanka ah fallaagada ADF ayaa billowday 2021-kii, balse waxay ku guuldareysteen inay joojiyaan weerarrada lagu hayo dadka rayidka ah.

Jabhadda kale oo lagu magacaabo M23, ayaa dhawaan dib u soo noolaysay ol’olihii dhimashada badnaa ee ay ka waday bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga, waxayna dhul ka qabsadeen ciidamada dawladda.

Rwanda ayaa si weyn loo fahamsan yahay inay taageerto fallaagada M23, balse Kigali ayaa si kulul u beenisay arrintaas iyaga oo ku andacoonaysa in warbixinaas ay yihiin kuwa aan sal iyo baar midna aanan lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM