Ducaale oo ka fal-celiyey hadal uu Xildhibaan xarig ku muteystay

Image

NAIROBI, Kenya – Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka fal-celiyey hadalo kasoo yeeray Xildhibaan taasi oo uu ku muteystay xarig.

Mudane Charles Njagua Kanyi ayaa waxaa xabsi loogu taxaabey in uu ugu goodiyey ganacsatada ajaaniibta ah in uu garaaci doono hadii aysan dalkaasi ka bixin.

Kanyi ayaa ku eedeeyay ganacsatada in ay suuqa ku ciriiriyeen kuwa wadaniga ah, taasi oo uu ku tilmaamay wax aanan loo dul-qaadan karo.

"Kenya ma ahan meel qashinka lagu daadiyo," ayuu yiri Aadan Barre Ducaale, kaasi oo ka hadlay erayada uu ka dhawaajiyey Xildhibaanka.

Inkasta oo uu tilmaamay in uu cambaareynayo hadaladada Mr Kanyi balse Ducaale ayaa carabka adkeeyay "in mudaneyaasha ay waajib tahay in ay u hadlaan si daacadnimo ah".

Isaga oo soo xiganaya qodob kamid ah dastuurka waddanka Kenya, Mr Ducaale ayaa intaasi raaciyey "Waxaan waajib nagu ah in aan difaacno dadweynaha Kenya".

Dowladda Tanzania ayuu ku eedeeyay in dadka Kenya aysan fursadaha shaqada u ogolaan, waxa uu intaasi raaciyey in ganacsatada Kenyaan-ka ay dhibaato kala kulmaan ganacsiga sharci darada ah ee dalalkaasi ay deriska yihiin.

Ugu dambeyntii, waxa uu tibaaxay in Kenyaan-ka ay gudaha dalkooda ku wajahayaan tartan cadaalo darro ah xili "maanta uu wadanka quudanayo khudaarta laga keeno Tazania".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM