Ducaale oo su'aal geliyey xukunka ICJ ee xiisada badda ee Soomaaliya-Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa waxa uu dalbaday in xiisada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya lagu xaliyo qaab saaxiibtinimo oo nabad ah.

Mr Ducaale ayaa tibaaxay in labadda dal ay soo dhex-mushaaxeen muddo badan cilaaqaad wanaagsan, isla markaana mudankan haatan taagan aysan waxyeelo gaarsiin karin xiriirkaasi.

Xildhibaanka Garissa ayaa madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta ku tartarsiiyey in ay eegaan "walaaltinimada iyo derisnimada" ayna iska indho tiraan in muranka sii xoogeysto.

"Muddo soddan sano ah, Kenya waxay maalgelin xoogan ku sameysay Soomaaliya si gaar ah amniga iyo martigelinta xaqootiga. Yaa nan cunuga ka tuurin Baafka biyaha ku jira," ayuu Nairobi u sheegay saxaafadda.

Balse waxa uu mar kale ku celiyey in dhulka Kenya aanan marnaba laga tanaasuli doonin. "Wax badan waa saamiga iyo waxaan u baahan nahay xal. Is-mariwaaga waa mid aanan caafimaad qabin. Waa in aan wax badan isku raacno.

Ducaale, hogaamiyaha siyaasadeed ee haatan ugu awooda badan Kenya, ayaa xusay in Maxkamada Cadaaladda Aduunka aysan hubin in ay xalin karto muranka dhanka xuduud badeedka ah.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2014-kii dacweysay Kenya markii ay isa soo tareen sheegashooyinkeeda ku aadan biyaha dalka leh xeebta ugu dheer aduunka.

"Labad dowladood uma baahna daraf saddexaad," ayuu daba dhigay isaga oo ku daray "arrinta ugu muhiimsan ee lagu xalin karo waa wadahadal".

Mr Ducaale ayaa waxa uu rajeeyay in labada dowladood ay baadigoobi doono qaabka ugu wanaagsan ee loo dhameyn karo qaddiyadan.

"Aniga waxaan ahay Soomaali-Kenyan balse waxaan kamid ahay oo aan ku dhex-jiraan qaranka Kenya. Dal kale ma qaadan karo qayb kamida dhulkeena iyo badeena. Soomaaliya waa walaalkeena naga yar, waxaana dooneynaa in arrintani aan ku xalino qaab diblumaasiyadeed," ayuu xusay.

Khilaafka kasoo cusboonaadey sohdin badeedka ku taala Badda Cas ayaa haatan u muuqata mid saameyneysa ganacsiga labada waddan.

Dhowaan, Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wakiileeda aysan ka qaybgeli doonin shirarka ka dhacaya Nairobi. Kenya, geesta kale, waxay adkeysay sharciyada socdaalka ee Soomaalida soo galeysa dalkaasi.

Hadalka ku saabsan in ICJ aysan xalin karin muranka bada ayaa la rumeysan yahay in uu waji cusub u yeelayo xiisada, waxaana lagu sifeeyay mid su'aal gelineysa in ay Kenya aqbali doonto xukunka maxkamada soo saarto.

Sikastaba ha ahaatee, go’aanka maxkamada fadhigeedu yahay dalka Holland ee ku aadan qadiyadan ayaa waxa lagu wadaa in uu soo baxo horaanta sanadka 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: In ka badan 40 qof oo ku naf-waayay daad ka dhashay roob xooggan

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay.

  • Afrika

    30-04-2024

  • 04:45AM

Midowga Yurub oo xayiraad saaray dadka heysta baasaboorka Itoobiya

Itoobiya waxaa ay ku guuldareysatay inan iska kaashano dib u celinta muwaadiniinteeda si hufan.

  • Afrika

    30-04-2024

  • 04:04AM