Erdogan oo telefoon kula hadlay Abiy Axmed kahor shirka Ankara

Image
Turkiga ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya..

MUQDISHO, Soomaaliya - Turkiga ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay is-afgaradka badda ee Somaliland.

Madaxweyne Recep Tayib Erdogan ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kahor kulanka sida weyn isha loogu hayo

Erdogan ayaa sheegay in talaabooyinka Addis Ababa ay ku wajahayso walaaca la xiriira midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya ay fududeyn doonto geedi socodka heshiiska.

Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maraya meel hoose iyadoo Dowladda Federaalka safiirka Itoobiya ceyrisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM

Museveni: Uganda waa dal aan badda lahayn, laakiin baddaydu waa xaggee?  

Khubarada siyaasadda ayaa digay in hadalada Museveni xitaa haddii ay tusaale yihiin ay dhaawici karaan xiriirka muddo dheer.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 12:22PM