Ergaygii hore AU-da ee Soomaaliya oo geeriyooday

Image

GITEGA, Burundi – Ergaygii hore ee Midowga Afrika u qaabilsanaa Soomaaliya, Nicolas Bwakira, ayaa geeriyooday, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay ururka AU-da kaasoo tacsi u diray qoyskiisa, asxaabtiisa iyo qaraabadiisa.

Diblumaasigan reer Burundi ayaa wakiilka gaarka ah ee AU-da u qaabilsan arrimaha Soomaaliya wuxuu ahaa mudadii u dhaxeysay 2007 illaa 2009.

Danjire Nicolas Bwakira ayaa mudadii u dhaxeysay 1970 illaa 2002-dii wuxuu jagooyin kala duwan kasoo qabtay xafiiska Qaxootiga Qaramada Midoobay.

Iyada oo bayaanka AU-da aan lagu caddeyn waxa sababay geeridiisa, Bwakira ayaa waayihiisa Soomaaliya wuxuu isku-dabariday dedaaladda Midowga Afrika uu ku xoojinayey hay’adaha muhiimka ah ee dowladda sidda amniga iyo bileyska.

Sidda ku xusan warka qoraalka ee Midowga Afrika, istaatiijiyaddo uu dejiyey Bwakira ayaa kaalin lixaad leh ka qaatay geedi u socodka dib loogu soo celinayo xasiloonida Soomaaliya iyo socoshadda shaqada xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Dakhli uruurinta, wasaaradaha amniga qaranka iyo difaaca, maamulka miisaaniyadda iyo xafiisyadda dowliga ah ee qabta shaqooyinka madaniga ah ayaa si lamid ah la wariyey in istaatiijiyadaha Bwakira ay horumar ku sameeyeen.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat oo bayaanka soo saarey, ayaa ku ammaanay aqoonyahan Nicolas Bwakira oo dhashay 1940-kii dedaalka uu ku bixiyey nabadda iyo barwaaqadda wadamo badan oo Soomaaliya kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM