Eritrea: Wasiir loo xiray mucaaradnimo oo xabsi ku dhex-dhintay

Image
Berhane Abrehe ayaa waxa uu ahaa wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea.

NAIROBI, Kenya - Berhane Abrehe - wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea, aadna u dhaliili jiray madaxweynaha dalkaas - ayaa ku dhintay xabsiga, sida ay sheegeen qoyskiisa.

79-jirkan ayaa ahaa wasiirkii maaliyadda ee ugu waqtiga dheeraa Eritrea, balse waxaa xilka laga qaaday sannadkii 2012-kii kaddib markii ay isku dhaceen madaxweyne Isaias Afwerki.

Lix sano ka dib ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu soo saaray buug uu ku sheegay in madaxweynaha uu yahay keligii taliye u baahan in uu is casilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM