Fal-celin: Hadal uu Trump ku yiri Madaxweynaha Liberia oo dad badan u arkeen mid yasitaan ah

Image

Hadal uu Trump ku amaanay Ingiriisiga Madaxweynaha Liberia oo dhaliyay fal-celin xooggan

WASHINGTON, July 12 – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaleeceyn iyo jahawareer ka dhaliyay gudaha Liberia kadib markii uu ku amaanay Madaxweynaha dalkaas, Joseph Boakai, “Ingiriisi qurux badan” — hadal dad badan ay u arkeen mid yasitaan ah.

“Ingiriis aad u fiican,” ayuu Trump ku yiri Boakai intii uu socday kulan ka dhacay Aqalka Cad Arbacadii. “Ingiriis qurux badan oo cajiib ah.” Trump ayaa la arkayay isagoo si layaab leh u muujinaya in uu yaaban yahay sida Boakai uu ugu hadlo luuqadda Ingiriisiga.

Inkasta oo luuqadda rasmiga ah ee Liberia ay tahay Ingiriisi tan iyo qarnigii 19aad, Trump ayaa Boakai weydiiyay halka uu ka bartay Ingiriisiga "sidaas u quruxda badan." Markii Boakai si daggan u jawaabay, Trump ayaa sii watay su’aalihiisa: “Xaggee laguugu baray? Liberia miyaa?”

Kulankaasi ayaa ka dhacay Aqalka Cad xilli Madaxweyne Trump uu la kulmayay shan hoggaamiye oo Afrikaan ah, isaga oo ku dhawaaqay isbeddel cusub oo ku aaddan siyaasadda dibadda Mareykanka, oo diiradda saaraysa ganacsiga halkii laga horreyn lahaa gargaarka.

Inkasta oo xafiiska Madaxweyne Boakai uu sheegay inuusan u qaadanin hadalka Trump si xun, haddana dad badan oo reer Liberia ah ayaa ku tilmaamay hadalkaasi mid yasaya aqoonta dadka Afrikaan-ka ah, gaar ahaan kuwa ka yimid dal Ingiriisi rasmi ah u ah.

Aqalka Cad ma aysan caddeyn in Madaxweyne Trump uu ogaa in Liberia ay tahay dal Ingiriisi u ah luuqadda rasmiga ah.

La-taliyaha sare ee Trump u qaabilsan arrimaha Afrika, Massad Boulos, ayaa difaacay madaxweynaha isagoo sheegay in Trump “si dhab ah u ammaanay xirfadda luuqadeed ee Madaxweynaha Liberia,” isla markaana dhammaan dadkii kulanka joogay ay "si qoto dheer u qadariyeen waqtiga iyo dadaalka Madaxweynaha Mareykanka."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM