Faransiiska oo 1.5 bilyan Doolar deyn ah siinaya Suudaan

Image

PARIS, France - Suudaan ayaa dardargelisay talaabooyinka ay kula midoobeyso saaxiibada caalamka, iyadoo xaqiijisay deyn dhan $1.5 bilyan doolar taasoo ay kasoo amaahatay Faransiiska si looga dhaafo qaanta IMF.

Deyntaas ayaa looga yaboohay kulan ay Isniinta maanta ah Paris ku yeesheen qaar kamida maal-gashadayaasha adduunka. Waxaa kamid ah Bilyaneerka ee u dhashay dalka Nigeria ee Aliko Dangote iyo samafalaha reer Suudaan ee Mo Ibrahim, oo ay weheliyaan qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha ganacsiyada ugu waaweyn ee waddanka France.

Isaga oo ka jawaabaya baaq ka yimid Baanka Aduunka, Mareykanka ayaa horey Sudan u amaahiyey $1.15 bilyan Doolar. Khartuum waxay sidoo kale heshiis looga dhaafayo $425 milyan loona soo marinayo Bangiga Horumarinta Afrika waxay la gashay wadamadda Midowga Yurub iyo boqortooyadda Ingiriiska oo haatan ka madax-banaan dalalka ku midoobay EU-da.

Wasiirka dhaqaalaha ee Faransiiska Bruno Le Maire ayaa Isniinta maanta ah sheegay in dalkiisa uu Suudaan ka taageeri doono baadi goobkeeda deyn cafinta, oo ay ku jirto amaah cusub oo dhimis ah, maadaama ay ka shaqeyneyso dib-u-dhiska waaxda bangiyada kadib soddon sano oo cunaqabateyn ah iyo go'doominta dunida ku haysay nidaamka maaliyadeed dalkaas.

"Waxaan la shaqeynay bangiga dhexe ee Suudaan, anaga oo tijaabinayna culeys saarista hay’ad kasta oo maaliyadeed oo reer Suudaan ah si aan u muujino khariidada saameynta lacag furista,” ayuu tibaaxay Le Maire.

Ra'iisul wasaaraha Suudaan, Abdalla Hamdok, wuxuu rajaynayaa in wadahadalada ka socda Paris ay ka caawin doonaan dalkiisa in laga masaxayo qaar ka mid ah deymaha dibada ee looga leeyahay, oo lagu qiyaasay ugu yaraan $50 bilyan. Qiyaastii 38 boqolkiiba deynta Suudaan waxaa ku leh dalalka Paris Club, oo ah hay'ad ka kooban dalal waaweyn oo deyn bixiya.

Mr Hamdok wuxuu sheegay inuu raadinayo maalgashi si looga caawiyo dib u dhiska dhaqaalaha burburay ee Sudan. "Suudaan waa dal aad qani u ah, ma dooneyno gacan-qabsi, waxaan rabnaa maalgashi,” ayuu ku adkeystay.

Suudaan ayaa dhowaan ku guuleystay in ay buuxiso shuruudaha deyn cafinta ee Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika taasoo ay ku muteystay in la siiyo amaah badan oo kaga timaadey qaar kamid ah dowladaha reer galbeedka. Madaxweynaha Masar Abdel Fatah El Sisi ayaa ka mid ah hogaamiyaasha la filayo inay ka qeyb galaan shirka aadka isha loogu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shaqaale ka xirnaa diyaaradda Kenya Airways oo dib u helay xorriyadooda

Labadan shaqaale oo ka shaqaynayay xafiiska shirkadda diyaaradaha ee Kinshasa, ayaa la xidhay 19-kii Abriil.

  • Afrika

    07-05-2024

  • 03:38AM

Shir ka dhacay Afrika oo ku baaqay cunaqabatayn ka dhan ah Israa'iil

Kulankan ayaa waxaa yeeshay dalalka xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano OIC.

  • Afrika

    06-05-2024

  • 04:23AM