Faransiiska oo lagu qasbay inuu xiro safaaradiisa dalka Niger

Image
Xiriirka Niger iyo Faransiiska ayaa xumaaday tan iyo markii militariga ay xilka ka tuureen Madaxweyne Maxamed Bazoum.

NAIROBI, Kenya - Faransiiska ayaa albaabada u laabay safaaradda uu ku leeyahay dalka Niger muddo aan la cayimin, iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Safaaradda ayaa sheegtay in aysan "hadda ka dib u shaqeyn karin si caadi ah ama aysan u gudan karin waajibaadkeeda" sababo la xiriira xannibaado ay soo rogtay dowladda militariga ee Niger.

Shaqaalaha safaaradda maxalliga ah ayaa sidoo kale shaqada laga ceyriyay, sidda uu sheegay safiirkii hore ee Faransiiska Sylvain Itté kaasoo soo saarey warqad rasmi ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ciidamadii ugu dambeeyay ee Faransiisku ay ka baxeen dalka Niger kadib markii ay amar ku bixiyeen madaxda militariga dalkaas.

Xiriirka Niger iyo Faransiiska ayaa xumaaday tan iyo markii militariga ay xilka ka tuureen Madaxweyne Maxamed Bazoum bishii July kaasoo haatan masiirkiisa uusan caddeyn.

Bishii Sebtembar, Mr Itté iyo qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha Faransiiska ayaa ka dhoofay dalka, bil ka dib markii taliskii militariga uu amar ku bixiyay in safiirka uu si degdeg ah u baxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM