Garoonka diyaaradaha oo lagu qabtay Khaad loo dhoofin rabay Norway

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidanka amniga Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Nairobi ku qabtay laba la tuhunsane kuwaasoo Khaad tankiisu yahay 140 kilogaraamis u dhoofin rabay waddanka Norway, sidda ay wararku xusayaan.

Sidda laga soo xigtay warbixin uu daabacay Wargeyska The Standard, eedeysaneyaasha waxay maandooriyaha ku qariyeen kabo buud ah, waxaana mas'uuliyiinta ay tibaaxeen in dadkaan ay qarinayeen Khaadka.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii isla garoonka Jomo Kenyatta International lagu qabtay Soomaali la wariyey in ay maandooriye wadeen. Shaqsiyaadka cusub ee gacanta lagu dhigay ayaanan lasoo bandhigay jinsiyadooda.

Rakaabka lagu qabtay maandooriyaha ayaa la tabiyey in ay ku adkeysteen in Buursaday ku wadeen ay ku jiraan Digir iyo Bocor taasoo kolkii dambe u muuqaneysa in ay beenowdey markii ciidamadda ay baareen.

Booliska oo tibaaxay in ay baaris dheeraad ah u diri doonin shaqsiyaadkan ayaan meesha ka saarin in ay kasoo muuqan doonan maxkamadda.

Khaadka Kenya ayaa wajahaya culeysyo kala duwan tan iyo markii wadamada Yurub ay mamnuuceen 2014-15, waxaana suuqa ugu dambeeya oo haatan ah Soomaaliya loo hakiyey sababo la xiriira safmareenka Covid-19.

Ganacsatada iyo beeraleyda Khaadka ayaa ku tartarsiinaya dowladooda in ay talaabo qaado si ay u helaan suuqyo cusub, iyaddoo siyaasiyiinta ay ku dhiiragelinayaan in ay banaanbaxaan si codkooda ay kor ugu maqasho dowlada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM