Gobollada Soomaalida Kenya oo la doonayo in dhaqaalaha laga jaro

Image

NAIROBI, Kenya – Mudaneyaal ayaa Aqalka Sarre ee dalka Kenya u gudbiyey mooshin ku saabsan in la dhimo dhaqaalaha ay dowladda dhexe siiso gobolladda waqooyga dhaca oo ay kamid yihiin kuwa ay Soomaalida degto.

Xildhibaanadda mooshinkan riixaya ayaa doonaya in dhaqaalahaas loo weeciyo gobolo kale oo ay tibaaxeen in ay ka bulsho badan yihiin. Cadadka lacagta la dhimayo waxay gaareysaa 30% [Soddon boqolkiiba].

Sharci-dejiyeyaasha Soomaalida ayaa kala qeybsanaan ku wajahaya arrintaan, qaarkood waxay ka muujiyeen carro, halka kuwa kale ay taageereen. Shacabka waxay dhankooda yihiin kuwa sidaas ugu kala duwan.

Dhinacyadda Soomaalida ee taageersan la dhimo dhaqaalaha ayaa ku doodaya in lacagta aan looga faa'iideen dadweynaha isla markaana ay si gaar ah u isticmaalaan mas'uuliyiinta xafiisyadda sarre fadhisa.

Faaduumo Geedi oo laga soo doorto Wajeer ayaa kamid ah xubnaha sidda furan u taageeray mooshinkaas, uguna baaqdey madaxweyne Uhuru Kenyatta in uu ismaamulka hoos geeyo dowladda dhexe sidda Nairobi.

Hase ahaatee, madaxda gobolka ay matasho oo cambaareeyay dhawaqa kasoo yeeray Faadumo ayaa ugu baaqay in ay ka laabato. Aqalka Sarre wuxuu hakiyey ka doodista ajendahaan.

Gobolada Marsabid, Isiyeelow iyo Mooyaale ayaa kamid ah kuwa Soomaalida degto ee saameynta ugu buuran soo gaareyso. Cabdi Ciise, ku xigeenka Barasaabka Isiyeelow, wuxuu xusay in aysan aqbaleyn.

Dhamaan talaabooyinkan ayaa dhacaya iyaddoo Kenya ay wajaheyso isbedel siyaasadeed isla markaana Uhuru iyo hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka Raila Odinga ay heshiis gaaraan kahor doorashooyinka sanadka 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM